Nélson Semedo : “Waxaan diyaar u nahay inaan ka gudubno imtixaanka labada kulan ee El Clásico”

Difaaca reer Portugal iyo kooxda Barcelona ee Nélson Semedo ayaa ka hadlay kulanka xiisaha badan ee El Clásico ay kula ciyaari doonaan Real Madrid kulanka lugta labaad wareega 4-ta ee tartanka Copa del Rey habeen dambe ee Arbacada iyo sidoo kale kulanka Sabtida ay ku wada ciyaari doonaan horyaalka La Liga.

Nélson Semedo ayaa wareysi uu bixiyay kahor labada kulan soo aadan ee El Clásico-da wuxuu ku sheegay:

“Labada kulan ee El Clasico? waa isbuuc gaar ah, waa laba kulan ee aad u adag, lakiin waxaan kalsooni ku qabnaa nafteena, sababatoo ah waxaan qabaneynaa shaqo fiican, isla markaana waxaana guul ka heysanaa kooxda Sevilla”.

“Kulanka Arbacada waa mid muhiim ah, sababtoo ah waxaan heysanaa fursad aan ku gaari karno finalka Copa del Rey, waxaan sameyn doonaa wax kasta ay nagu qaadato, si aan u guuleysano labada kulan ee soo aadan”.

“Waxaan hubnaa inaan ka gudbi karno caqabadan ina hor taagan”.

“Kubada cagta kuma noolaan kartid wixii lasoo dhaafay, kulan kasta wuxuu leeyahay taariikh, balse waxaan dooneynaa inaan sii wadno guulaha aan ku heysano garoonka Santiago Bernabeu sanadihii ugu dambeeyay”.

“Lakiin waxaan ogaanay inaysan sahlaneyn inaad guul kaga gaarto kooxda Real Madrid meel kasta ay noqoto, balse waxaan heysanaa koox aad u fiican ee diyaar ah, waxaana suuragal ah inaan guuleysano”.

“Barcelona waa Barcelona, ​​waa koox aan caadi ahayn, waxaan imid koox wanaagsan, laakiin waxay u ciyaareysaa qaab gaar ah, waxaan dareemay kala duwanaansho badan tan iyo bilowgii sanadkii hore, laakiin caawimaad aan ka hely asxaabtayda iyo tababarayaasheyda, ugu dambeyn waan la qabsaday”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here