“Waxa Ay Ahayd Taako Cajiib Ah, Miyayna Ahayn”:- Vincent Kompany Oo Ku Digtay Mohamed Salah

Kabtanka Kooxda Man City ee Vincent Kompany ayaa ka hadlay khaladkii dhaawaca xun u gaysan gaadhay xiddiga Liverpool ee Mohamed salah intii lagu jiray kulankii ay Man City garaacday Liverpool.

Vincent Kompany Ayaa taako u dhigay xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed salah taas oo keentay in ay khabiirada iyo taageerayaasha kubada cagtu ku doodaan in ay ahayd in kaadhka cas loo taago.

Laakiin markii la waydiiyay in uu ka wal-walsanaa kaadhka cas markii uu Arkay garsoore Anthony Taylor oo jeebkiisa gaadhaya ayuu yidhi”Waxa ay ahayd taako cajiib ah”.

“Waxa aan u malaynayaa in ay ahayd taako cajiib ah, miyayna ahayn”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Waxa aan taabtay kubada iyo in yar oo aan ka taabtay Mohamed salah, laakiin ma ahayn khalad xun, iskuma dayin in aan dhaawaco”.

“Waxa ay ahayd in aan sidaas sameeyo ama aan u ogolaado in uu idhaafo oo uu gool dhaliyo”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here