“Waxa Aan U Garaaci Doonaa Man City Darteed:- Tababaraha West Ham Oo Caga Juglayn Hawada U Mariyay Liverpool Ka Hor Kulankooda Caawa.

Tababaraha Kooxda West Ham ee Manuel Pellegrini ayaa shaaca ka qaaday qaabkii uu kooxdiisii hore ee Man City uga caawin doono in ay ku guulaysato horyaalka premier League.

Manuel Pellegrini ayaa sheegay in uu caawa garaaci doono kooxda Liverpool kulanka ka tirsan premier League todobaadkiisii 25-aad.

Tababaraha reer Chile oo la hadlaya BBC ayaa yidh”Hadii aan caawa garaacno Liverpool waan ku farxi doonaa”.

“Waxa aan doonaynaa in aan soo bandhigno qaab ciyaareedkeena ugu fiican si aan u garaacno hogaamiyayaasha premier league”.

“Waxa aan doonayaa in aan caawa si weyn u caawiyo Man City sababta oo ah waxa aan ahay taageere Man City ah”.

Kadib guushii Man City ee xalay Red ayaa haatan kaliya 2 dhibcood ku haysa hogaanka horyaalka premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here