“Waxa Aan Ooyayay Muddo 2 Maalmood Ah:- Neymar Oo Ka Fal Celiyay Dhaawacii Ka Soo Gaadhay Lugta

Dhaawacii ugu dambeeyay ee lugta ka soo gaadhay Neymar ayaa ahaa mid ku adag xiddig marka loo eego dhaawacii soo gaadhay sanadkii 2018.

Waxa uu shaaca ka qaaday in uu Guriga joogay waliba oohin waday kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay lugtii uu ka dhaawacmay sanadkii hore.

“Waxa ay igu qaadatay wakhti si aan ula qabsado”ayuu xiddigu u sheegay Esporte Espetacular.

“Waxa aan guriga joogay muddo laba maalmood ah”.

“Waxa aan dareemay xumaan aad ah waana aan ooyay”.

“Run ahaantii waxa ay ahayd wakhti xun”.

“Lakaiin markii ugu horaysay ee uu dhaawacan oo kale i soo gaadhay waxa aan u sheegay naftayda in aan u baahanahay qaliin deg-deg ah si aan koobka adduunka uga qayb qaato sidaas darteed ma ahayn wakhti xun”.

Markan xiddiga ayaa doortay daawayn nooc kale ah waxana uu rajaynayaa in uu soo laabto bartamaha bisha April ee soo socota.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here