“Waxa Aan Ku Guulaysanay 33 Horyaal, Imisa Ayay Iyagu Ku Guulaysteen?”:- Zinedine Zidane Oo Ku Digtay Barcelona

0

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay ku dhawaanta ay Barcelona ku dhawaanayso ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa kaliya u baahan 3 dhibcood si ay ugu guulaysato horyaalka ama guuldaro soo gaadha Atletico Madrid kulanka caawa ee Valencia iyaga oo aan u baahan natiijada kulankooda kale.

Zizou ayaa ka hadlay su,aal laga waydiiyay ku dhawaanta ay Barcelona ku sii dhawaanayso ku guulaysiga horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan xilli uu ku jiray shirka ka horeeya kulanka horyaalka ee Habeen dambe.

“Ma jiro wax dhamaystiran, waxa kaliya ee aan odhan karo ayaa ah in aan haatan bilaabi doono shaqada xilli ciyaareedka dambe”.

“Waxa aan isku dayi doonaa aan aanu bilowno wado cusub, ku guulaysiga horyaalka La Liga ayaa noqon doona u jeedkeena xilli ciyaareedka dambe”.

“Real Madrid waxa ay ku guulaystay 33 koob oo La Liga ah, imisa ayay Barcelona ku guulaystay ii sheeg?”.

“Wakhtigii ugu dambeeyay waxa ay ku jiraan qaab fiican iyaga ayaana ku guulaysan doona horyaalka waanan ugu Hambalyayn doonaa, Laakiin anaga ayaa ka horyaal badan inkasta oo ay soo fiicnaadeen wakhtigii ugu dambeeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here