Wargayska Tuttosport Oo Kashifay Suurtagalnimada Uu Cristiano Ronaldo Ugu Laaban Karo Man United

Xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Cristaino Ronaldo ayaa go,aan ka gaadhay Suurtagalnimada ku soo laabashada Kooxda Man United.

Xiddiga reer Portugal ayaa u soo ciyaaray kooxda Man United intii u dhexaysay 2003 ilaa 2009 ka hor inta uuna ku biirin kooxda Real Madrid.

Waxa wakhtigii ugu dambeeyay soo xoogaysanaya warar sheegaya in uu xiddiga reer Portugal ku laaban doono Old Trafford si uu mar kale premier League uga ciyaaro.

Si kasta ha ahaatee wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in uu Ronaldo saaxiibadiisa ugu dhaw Ee Juventus u sheegay in uu ku faraxsan yahay Juventus waliba doonayo in uu sii joogo Serie A-da.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga 34 jirka ah isku diyaarinayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Juventus wakhtiga soo socda.

Ronaldo ayaa Juventus ku soo biiray xagaagii kadib markii uu si lama filaan ah ugaga soo biiray kooxda Real Madrid isaga oo u saxiixay heshiis dhacay ilaa xagaaga 2022.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here