Wargayska Sport Oo Ogaaday Go,aanka Barcelona Ee Heshiiska Isku Badalashada Xiddigaha Kylain Mbappe & Philippe Coutinho

0

Wargayska Sport ayaa shaaca ka qaaday go,aanka kooxda Barcelona ee wararka sheegaya isku badalashada xiddigaha Philippe Coutinho iyo Kylain Mbappe marka la gaadho xagaaga dambe.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona xiiso u hayso saxiixa xiddiga reer France ee Kylain Mbappe kadib qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee koobkii adduunka.

Laakiin kooxda Barcelona ayaan diyaar u ahayn in ay iska fasaxdo xiddiga Philippe Coutinho oo ah xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda kadib markii ay Liverpool kala soo saxiixatay.

Philippe Coutinho ayaa kalsooni weyn ka haysta maamulka kooxda inkasta oo uuna xiddigu ku jirin wakhti fiican soona bandhigin qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar u tahay in ay 150 milyan oo euro ku dalbato xiddiga ugu fiican France ee Kylain Mbappe marka la gaadho suuqa xagaaga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here