Wargayska Mundo Deportivo Oo Shaaca Ka Qaaday Qaabkii Ay Barcelona Uga Fal Celisay Wararka Sheegaya In Ay PSG La Heshiisay Da,yarka Frenkie de Jong

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday fal celintii kooxda Barcelona ee ku aadanaa wararkii sheegayay in ay kooxda PSG heshiis la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Frenkie de Jong.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa si weyn uga xanaaqday wararka saacadihii ugu dambeeyay sheegayay in ay PSG heshiis la gaadhay da,yarka aadka loo qiimeeyo.

Wargayska ayaa sheegaya in ay maamulka Barcelona ku kalsoon yihiin in ay xiddiga Frenkie de Jong iyagu heli doonaan maadama uu xiddigu balan qaad u sameeyay.

Wargayska MARCA ayaa shalay sheegay in ay kooxda PSG da,yarka Frenkie de Jong heshiis la gaadhay diyaarna u tahay in ay 80 milyan ku dalbato dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay ugu buuxiyaan booska Adrien Rabiot.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu Frenkie de Jong ogolaaday in uu kooxda PSG u saxiixo heshiis dhan 6 sano oo uu sandkii ku qaadan doono mushahar dhan 7 milyan oo euro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here