Wargayska MARCA Oo Warbixin Soo jiidasho Leh Ka Diyaarisay 400 Ee Gool Ee Uu Leo Messi Ka Dhaliyay La Liga

Intii lagu guda jiray kulankii ay Barcelona guusha ka gaadhay Leganes Axadii Lionel Messi ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay goolkiisii 400-aad ee horyaalka La Liga sida laga soo xigtay wargayska MARCA.

Xiddiga ayaa rikoodh kale ku daray waxqabadkiisa cajiibka ah tan ilaa markii uu kulankii ugu horeeyay u saftay Barcelona horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii 2004/2005 kulan uu ka hor tagay kooxda Espanyol.

Tan ilaa markii uu kulankiisii ugu horeeyay u saftay ku dhawaan 30% Lionel Messi ayaa dhaliyay goolasha kooxda Barcelona.

Marna kama daalo gool dhalinta, kamna caajiso in uu ciqaabo kooxaha ka soo hor jeeda kagana cabsiiyo gool dhalintiisa cajiibka ah.

Sidoo kale marna kama daalo in uu ku guulaysto ama u tartamo abaalmarinta gool dhalinta Pichichi iyo Kabta dahabka ah iyo waliba abaalmarino kale.

Goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka La Liga ayaa yimid kulan ay Barcelona la ciyaaraysay kooxda Albacete kulan ka tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka La Liga.

400 ee gool ee uu ka dhaliyay La Liga 231 gool ayuu ku dhaliyay garoonka Camp Nou halka uu 169 ka dhaliyay garoonada kale iyada oo ay ku jiraan 49 rikoodhe.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay 31 saddexley isaga oo kooxda Sevilla ka dhaliyay goolashiisa ugu badan kana dhaliyay 25 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here