Wargayska MARCA Oo Kashifay Sababtii Ay Barcelona Isaga Diiday Saxiixa Karim Benzema Sanadkii 2009

Wargayska MARCA ayaa ka shaaca ka qaaday sababtii ka dambaysay in ay kooxda Barcelona la saxiixato weeraryahanka Karim Benzema sanadkii 2009.

Wargayska ayaa daaha ka qaaday sababtii ka dambaysay go,aankii ay kooxda Barcelona isaga diiday saxiixa Karim Benzema oo joogay kooxda Lyon wakhtigaas inkasta oo ay wakiilkiisa wadahadalo horumar leh la qaadatay.

Barcelona ayaa wakhtigaas si aad ah u doonaysay saxiixa Karim Benzema iyaga oo xiddiga ka dhigtay dookhooda 1-aad si ay ugu xoojiyaan weerarka..

Agaasimaha Kooxda Barcelona ayaa xitaa wakhtigaas u duulay Lyon si uu u dhamaystiro heshiiska uu xiddigu gu soo biirayo ka hor inta ayna si lama filaan ah uga hadhin xiisihiisa.

Wargayska ayaa sheegaya in uuna agaasimaha Barcelona ee wakhtigaas la dhicin jawigii ku hareeraystaan xiddiga iyo saaxiibadiisii ku dhawaa oo saamaynayay shaqsiyadiisa.

Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn isla sanadkaas u dhaqaaqday Zlatan Ibrahimović oo ay ku badasheen Samuel Eto’o kaa soo ku biiray kooxda Inter Milan

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here