Wargayska MARCA Oo Kashifay Qorshaha Uu Santiago Solari U Dagsaday Si Uu U Joojiyo Lionel Messi

Wargayska MARCA ayaa shaaca ka qaaday qorshaha tababare Santiago Solari ee uu doonayo in uu ku joojiyo xiddiga Barcelona ee Lionel Messi kulanka caawa ee El Clasico.

Tababare Santiago Solari ayaa go,aansaday in uu ku bilaabo shaxdiisa xiddiga Marcos Llorente kulanka caawa ee ay Real la ciyaari doonto Barcelona.

Solari ayaa ku kalsoon awooda da,yarka Marcos Llorente uu ku joojin karo xiddiga ugu fiican Barcelona inta lagu jiro kulanka Copa Del Rey-ga.

Tababaraha reer Argentine ayaa ka war qaba in uu Marcos Llorente horay ugu guulaystay in uu u joojiyo Lionel Messi markii uu amaahda ku joogay kooxda Deportivo Alaves.

Marcos Llorente ayaa ka mid ah xiddigihii kooxda Alaves ee laba xilli ciyaareed ka hor kooxda Barcelona ku garaacay 2/1 kulan ka dhacay Camp Nou.

Sidaas darteed Solari ayaa Marcos Llorente u xil saari doona ilaalinta Lionel Messi kulanka caawa si uu kooxdiisa uga caawiyo in ay natiijo fiican kala baxdo kulanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here