Wargayska AS Oo Kashifay Sababta Ka Dambaysa Qaab Ciyaareedka Fiican Ee Kooxda Real Madrid Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Kooxda Real Madrid ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigtay kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo gaadhay guulo xiriir ah tartamada oo dhan.

Wargayska AS ayaa sababta ugu weyn ee qaab ciyaareedka cajiib ah ee Los Blancos ku tilmaamay in ay xiddigaha ugu muhiimsan ee kooxdu dib u heleen qaab ciyaareedkoodii fiicnaa.

Xiddigaha Sida Luka Modric iyo Sergio Ramos ayaa dib u helay qaab ciyaareedkoodii fiicnaa door muhiim ahna ka qaaday qaab ciyaareedka kooxda.

Real Madrid ayaa xalay gaadhay guul weyn ka gaadhay kooxda Girona kulan ka tirsanaa lugtii 1-aad ee Copa Del Rey-ga iyada oo uga badisay 4/2.

Kooxda Real Madrid ayaa bilihii ugu horeeyay xilli ciyaareedka soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah laakiin kooxda ayaa qaab fiican soo bandhigaysa labadii bilood ee ugu dambeeyay.

Waxana qaab ciyaareedkaas sabab u ah in ay xiddigaha ugu muhiimsan kooxdu dib u heleen qaab ciyaareedkoodii fiicnaa ee ay waayeen bilowgii xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here