WARBIXIN XIISO LEH: Sidee Ayay Man United, Arsenal, Liverpool & Chelsea Uga Faa,iidaysan Karaan Dhibaatada Real Madrid Suuqa Xagaaga?

Kooxahaa Man United, Arsenal, Liverpool iyo Chelsea ayaa dhamaantood ka faa,iidaysan kara dhibaatada Real Madrid ee haatan marka uu furmo suuqa xagaagu.

Manchester United, Arsenal, Liverpool & Chelsea ayaa la filayaa in ay lacag fiican galiyaan suuqa marka uu furmo suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxana ay ka faa,iidaysan karaan dhibaatada ka socota kooxda Real Madrid xilli ciaareedkan.

Los Blancos ayaa laga yaabaa in ay samayso is badal weyn dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo lacag badan galin doonta kooxda xilli xiddigaha Sergio Ramos, Isco iyo Marcelo laga yaabo in ay isaga tagaan kooxda.

Sidaas darteed wargayska Express Sport ayaa soo saaray warbixin ku saabsan qaabka kooxaha premier League uga faa,iidaysan karaan masiibada Real Madrid.

Manchester United:

Bartilmaameedkeeda ugu Muhiimsan: Daafac Dhexe.

Maxa Dhici kara hadii ay Man United doonayso daafac khabiir ah oo ay ka garab ciyaarsiiso xiddiga Victor Lindelof kadib ayaa uga fiican Sergio Ramose?.

Daafaca reer Spain ayaa bartilmaameed u ahaa Man United wakhti hore iyaga oo doonayay in ay helaan adeegiisa sanadkii 2015 laakiin ugu dambayn xiddiga ayaa heshiis cusub u saxiixay.

Arsenal:

Bartilmaameedkeeda ugu Muhiimsan: Khadka Dhexe:

Maxa dhacaya hadii ay Arsenal u baahan tahay xiddig khadka dhexe ah xagaaga xitaa hadii ay ku dhamaysato kaalmaha loogu soo boxo champions League.

Gunners ayaa u baahan xiddig khadka dhexe ah oo khirbad fiican leh kaas oo caawiya xiddigaha haatan ee Lucas Torreira & Matteo Guendouzi sidaas darteed waxa ay u dhaqaaqi kartaa xiddiga Ugu fiican adduunka ee Luca Modric oo lala xiriirinayay in uu ka tagayo Real Madrid wakhtigii ugu dambeeyay.

Liverpool:

Bartilmaameedkeeda ugu Muhiimsan: Kubad Sameeye:

Liverpool ayaan haysan xiddig kubad sameeya ah tan ilaa markii ay iska fasaxday Philippe Coutinho sidaas darteed Reds ayaa si aad ah ugu baahan xiddig booskaas ka ciyaara.

Waxa lala xiriirinayaa xiddiga Isco kaas oo aan ku faraxsanayn kooxda Real Madrid oo aan si joogto ahna ugu ciyaarin kooxda tan ilaa markii uu Santiago Solari tababaraha u noqday.

Chelsea:

Bartilmaameedkeeda ugu Muhiimsan: Badalka Eden Hazard, Hadii Uu Boxo:

Real Madrid ayaa si aad ah loola xiriirinayaa xiddiga garabka ka ciyaara ee Hazard waxana uu xiddiga laftiisu qirtay in uu jeclyahay in uu ka ciyaaro Real Madrid.

Sidaas darteed Hadii ay Chelsea ceshan kari waydo Hazard maxaa uga fiican in ay heshiiska ka qayb dhigto Gareth Bale kaas oo khibrad fiican ku leh Premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here