WARBIXIN: Waxyaabaha Ay Isaga Midka Yihiin & Waxyaabaha Ay Ku Kala Duwan Yihiin Xiddigaha Isco & Coutinho Ee Real Madrid & Barcelona

0

Wargayska MARCA ayaa soo saaray warbixin ay kaga hadlayaan wakhtiga adag ee ay ku jiraan xiddigaha Philippe Coutinho iyo Isco ee kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Labada xiddig ayaan ka mid ahayn qorshaha tababrayaasha Santiago Solari iyo Ernesto Valverde kuwaas oo aan si joogto ah u adeegsan.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa waxa ay isaga mid yihiin labada xiddig iyo waxa ay ku kala duwan yihiin.

Isco and Coutinho.

Waxa ay Isaga Midka Yihiin:

Kaydka:

Waxa ay sida weyn isaga midka yihiin ayaa ah kaydka iyada oo labada xiddig laga dhex waayay shaxda labada kooxood ee Real Madrid Iyo Barcelona iyada oo ayna labada tababare ku kalsoonayn awooda labada xiddig.

Qaab Ciyaareed Aad U Liita:

Qaab ciyaareedka Isco ayaan ka caawinayn in ay dib u helaan booskooda kooxda iyada oo marka qaybta dambe la soo galiyo ciyaarta ay ku fashilmayaan in ay wax saamayn ah sameeyaan ama kulanka uu tababaruhu kalsooni siiyo ayna soo bandhigayn qaab ciyaareed fiican hadii ay tahay mid shaqsi ah ama mid caawin kooxda ah.

Xog Isku Mid ah:

Waxa kale ee ay isaga midka yihiin ayaa ah qaab ciyaareedka aadka u liita iyada oo uu Coutinho ku bilowday 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee La Liga laakiin kaliya dhaliyay 6 gool 26-kii kulan ee ugu dambeeyay tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan halka uuna Isco ku bilaaban shaxda Real Madrid tan ilaa kulankii El Clasico isaga oo kaliya dhaliyay 4 goo 20 kulan.

Qorshaha Labada Tababare oo ayna ku fiicnayn:

Dhibaatada ugu weyn ayaa ah in qaab ciyaareedka labada xiddig ayna ku fiicnayn qorshaha labada tababare, iyada oo uu tababare Solari jecel yahay in uu ku ciyaaro shaxda 4-3-3 waliba doonayo laba xiddig oo garabka ka ciyaara waliba aad u dheereeya si la mid ah tababare Valverde kaas oo garabka ka ciyaarsiiya xiddiga Dembele oo sabab u ah in uuna Coutinho joogto ugu ciyaarin.

Wax Yaabaha Ay Ku Kala Duwan Yihinn:

Sababaha:

Waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin labada xiddig ayaa kala ah sababaha, sababta uuna Coutinho si joogto ah ugu ciyaarin Barcelona ayaa ah sababo ciyaareed iyada oo uuna xiddigu ahaa mid joogto ugu ciyaara kooxda laakiindhaawacmay kadib dib u soo ceshan kari waayay booskiisa maadama uu Dembele qaab ciyaareed fiican ku jiro.

Dhanka Isco ayaa ah sabab aan ahayn sabab ciyaareed laakiin uu solari xiddigaha kale ka jecel yahay Isco inkasta oo uu ogyahay xiddig leh tayo fiican iyo farsamo cajiib ah waliba farqi samayn kara sidii uu u sameeyay intii uu kooxda joogay tababare Zidane.

Hadalada Saxaafada:

Waxa kale ee ay ku kala duwan yihiin ayaa ah in uuna tababare Solari wax hadal ah ka odhan Isco ilaa haatan halka uu Valverde si cad ugu sheegay in uu Coutinho u baahan yahay in uu kor u qaado qaab ciyaareedkiisa maadama uu hoos uga dhacay midkii xilli ciyaareedkii hore.

Qiimaha Labada Xiddig Ee Labada Kooxood:

Inkasta oo uu Philippe Coutinho Barcelona ku soo biiray isaga oo ah xiddiga ugu qaalisan taariikda kooxda hadana xiddiga ayaa kaliya hal sano jooga kooxda walina taageerayaashu may arkin waxa uu qaban karo walina ma noqon xiddig saamayn ku yeelan kaha qolka Labiska.

Isco ayay uga duwan tahay arintu maadama uu yahay xiddig jooga xilli ciyaareedkiisii 6-aad kooxdana kula guulaystay 4 gool oo champions League ah waliba ahaa xiddig saamayn ku leh koobabkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here