WARBIXIN: Valdes, Manucho & Cuadrado Saxiixyadii Ay Sameeyeen Kooxaha Premier league Suuqa Janaury Ee Ku Fashilmay

0

Suuqa Kala iibsiga January ayaa ku dhaw in uu furmo waxana ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdooda una buuxin lahaayeen dal-daloolada ay dareemayaan.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyadii ay sameeyeen kooxaha premier League suuqa January ee ku fashimay in ay saamayn ku yeeshaan kooxohooda cusub.

Manucho (Manchester United):

Weeraryahanka reer Angola ayaa Red Devils ku biiray xagaagii 2008 isaga oo u saxiixay heshiis saddex sano ah laakiin kumuu raaxaysan Old Trafford.

Kadib laba amaah oo uu ugu biiray kooxaha Panathinaikos & Hull City waxa uu heshiis Rasmi ah ugu biiray kooxda Real Valladolid.

VĂ­ctor Valdes (Manchester United)

Man United ayaa soo aragtay fashil kale oo suuqa January ah markii ay la soo saxiixatay Goolhayihii hore ee Victor Valdes suuqii January ee 2015 kadib markii uu ka soo kabtay dhaawac wakhti dheer ah.

Waxa uu dhibaato la galay Louis Van Gaal waxa uu kaliya Man United u ciyaaray 2 kulan oo Rasmi ah.

Wilfried Bony (Manchester City):

Man City ayaa 40 milyan oo euro ka bixisay xiddiga reer Ivory Costa suuqii January ee 2015 waana heshiis haatan loo arko midii ugu xumaa taariikhda Man City.

Waxa uu saxiiixay 4 sano laakiin waxa uu isaga tagay kooxda xilli ciyaareedkii 2-aad.

Georgios Samaras (Manchester City):

Saxiixyada Janaury ayaan u shaqayn Man City waxana ay suuqii Janaury ee 2006 la soo saxiixdeen xiddiga Samaras.

Weeraryahanka ayaa amaah loogu diray Celtic ka hor inta uuna si toos ah ugu biirin kooxda reer Scotland isaga oo halkaas guul ku gaadhay.

Andy Carroll (Liverpool):

Liverpool ayaa ula saxiixatay suuqa January ee 2011 si ay ugu badasho Fernanado Torres laakiin Carroll ayaa noqday xiddig niyad jabiyay kooxda.

waxa uu Reds joogay muddo 2 sano iyo badh ah waxana uu kaliya kooxda u ciyaaray 12 kulan oo premier league ah.

Juan Cuadrado (Chelsea):

Cuadrado ayaa chelsea ku biiray suuqii Janaury ee 2015/2016 waxana ay ka bixisay lacag dhan 35 milyan oo euro.

Laakiin xiddiga ayaan la qabsan England issaga oo ku laabtay Juventus halkaas oo uu haatan ka mid yahay xiddigaha ugu fiican kooxdaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here