WARBIXIN: Shan Xiddig Oo Laga Yaabo In Ay Liverpool La Soo Saxiixato Si Ay U Sii Xoojiso Rajadeeda Ku Guulaysiga Horyaalka

Halka ugu saraysa horyaalka, 4 Dhibcood oo ay ka horayso Man City, waxa la odhan karaa waxa ay Liverpool haatan ku jirtaa wakhti fiican.

Waxa ay dhaliyeen 50 gool waxa laga dhaliyay kaliya 10 gool waxa ay la kulmeen kaliya hal guuldaro oo horyaalka ah ilaa haatan waxana ay samayn karaan horumar dhanka suuqa ah.

Waxa furan suuqa kala iibsiga taas oo la macno ah in ay jiraan warar badan oo xiddigo la xiriirinaya Reds.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa u muuqda mid ku faraxsan xiddigaha uu haatan haysto umana muuqato in uu saxiixyo samayn doono bishan.

Laakiin Reds ayaa wali u tartamaysa champions League, kadib dhaawacyo ku habsaday waxa laga yaabaa in uu si lama filaan ah suuqa u galo maalmaha soo socda.

Hadaba ayaa ilaa haatan lala xiriiriyay ku soo biirista Anfield?

Adrien Rabiot: Kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay lacag yar ku iibiso xidiga khadka dhexe bishan halkii ay si xor ah ku waayi lahayd xagaaga, Barcelona ayaa si weyn loola xiriirinayaa xiddiga laakiin kooxda reer Spain ayaa doonaysa in ay hesho xiddiga suuqa xagaaga kuna hesho si xor ah taas ayaana Albaabka u furaysa Reds in ay haatan ka faa,iidaysato una dhaqaaqdo adeegiisa.

James Forrest: Brendan Rodgers ayaa dhirbaaxo kala kulmi kara kooxdiisii hore iyada oo Liverpool diyaarinaysa dalab ay ka gudbiso xiddig aadka u soo kacaya dalabkaas oo dhan kaliya 8 milyan oo euro, 27 jirka reer Scotland ayaa ku jira qaab fician isaga oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 11 gool 34 kulan oo uu u ciyaaray Celtis waxana uu ka ciyaaraa garabka weerarka.

Timo Werner: Waa xiddig uu Jurgen Klopp si aad ah u doonayo in uu ugu xoojiyo weerarkiisa 22 jirkan ayaa ah gool dhaliye cajiib ah waxana uu si cad u sheegtay in uu doonayo in uu la shaqeeyo Klopp waxana laga yaabaa in uu xagaaga soo gacan galiyo hadii uuna bishan helin adeegiisa.

Eder Militao: Daafaca reer Brazil ee u ciyaara kooxda Porto ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxaha ugu waaweyn yurub kana mid yihiin Real Madrid iyo Man United waxana uu fuulay diirada Jurgen Klopp waana xiddig ka ciyaari kara garbaha daafaca ama daafaca dhexe.

James Tarkowski: Waa xiddiga ugu dhaw ee la odhan karo waxa uu bishan ku biiri karaa Liverpool si uu u xoojiyo daafaca Liverpool oo dhaawacyo ku habsadeen laakiin Liverpool ayaa xiddiga reer England ku doonaysa heshiis amaah ah halka Burnley dul dhigtay xiddiga 50 milyan oo euro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here