WARBIXIN: Sergio Aguero vs Pierre-Emerick Aubameyang & 3 Meelood Oo Go,aamin Kara Kulanka Man City & Arsenal.

ulan xiiso leh ayaa maanta ka dhici doona garoonka Etihad kaas oo ay isaga hor iman doonaan kooxaha Man City iyo Arsenal kana tirsan todobaadkii 25-aad ee premier League.

Kooxda difaacanaysa horyaalka premier league ee Man City ayaa doonaysa in ay ka soo laabato guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Newcastle Bartamihii todobaadka.

Dhanka kale kooxda Arsenal oo u dagaalamaysa kaalinta 4-aad ee horyaalka ayaa doonaysa in ay la dhibco noqoto kooxda Chelsea.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha go,aamin kara kulanka:

Sergio Aguero vs Pierre-Emerick Aubameyang:

Aguero and Aubameyang.

L

Labada weeraryahan ayaa ah xiddigaha ugu goolasha badan 2-da kooxood halka ay sidoo kale ka mid yihiin 4-ta xiddig ee ugu goolasha badan badan premier League xilli ciyaareedkan.

Aubameyang ayaa dhaliyay 15 gool isaga oo ku jira kaalinta 2-aad ee kala saraynta gool dhalinta halka uuna Aguero wax badan ka dambayn.

Hadaba Labada xiddig ayaya indhaha adduunku si weyn u hayaan in ay wax ka qabtaan kulanka waxana shaki la,aan ah in ay dhibaato ku noqon doonaan daafacyada labada kooxood.

Fernandinho vs Lucas Torreira

Torreira and Fernandinho.

Xiddiga khadka dhexe ee Fernandinho ayaa ah laf dhabarta kooxda Man City tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda sanadkii 2013 waxana uu ku jiraa qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa xirfadiisa ciyaareed.

Waxa xiddiga reer Brazil ka soo hor jeeda xiddiga ay ka soo wada jeedaan woqooyiga America ee Torreira kaas oo laftiisa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Arsenal xagaagii.

labada xiddig ayaa kulanka maanta lahaan doona Masuuliyada in ay ka hor yimaadaan xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee labada kooxood waliba joojiyaan weerarada xiddigaha kale qaadi doonaan.

Aymeric Laporte vs Shkodran Mustafi:

Laporte and Mustafi.

Daafaca ayaa ah boos ka mid ah boosaska ugu muhiimsan ee ciyaaraha kubada cagta waana boos laf dhabar u ah kooxda inteeda kale.

Daafaca Arsenal ayaa wakhti xun ku jira xilli ciyaareedkan waxana uu Mustafi u baahanyahay in uu qabto shaqo dheeri ah si uu u joojiyo weerarka halista ah ee man City.

Dhanka kale Laporte ayaa heli doona shaqo adag si uu u joojiyo weeraryahanada kooxda Arsenal oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here