Warbixin: Sedex Arin Oo Go`aamineysa Cidda Guuleysaneysa Kulanka Juventus Vs Ajax Ee Champion-ka

Kooxda Ajax ayaa arbacada marti gilineysa kooxda Juventus oo ay wada ciyaarayaan lugta koowaad ee wareegga 8-da Champion-ka .

Kulankaas ayaa noqonaya mid ku adag labada koox marka la eego kala duwaanashaha hab ciyaareedkooda , Ajax waxa ay ku tiirsan yihiin kubad haysashada iyo in afka hore u dhaqaaqaan halka Juventus ay door bidaan in ay ku wareegaan aagaggooda kuna tiirsanaadaan kubadahaha rogaal celiska ah .

Hadaba waxaan warbixintaan ku eegeynaa saddex arrimood ee qeexaya halka natiijada ciyaarta wajiga saari doonto , Si aad u daawato riix halkaan Laacibtv Tube

Qibrad : cid kama qarsoona in qibradda ay door weyn ka ciyaareyso kulanka Juventus iyo Ajax gaar ahaan Juve waxa leeyihiin qibrad weyn oo koobkaan dhagaha weyn ah inkastoo aysan qaadin tan iyo sanadkii 1996-dii xilligaas oo ay rigoorayaal kaga qaadeen isla kooxdaan reer Holland ee Ajax .

Juve waxa ay haystaan xiddigo qibrad u leh tartankaan waxaan ugu horeeya Ronaldo kaasi oo kooxdaas u soo gudbiyay wareeggaaan waana gool dhaliyaha taariikhiga ah ee tartankaan.

Inkastoo qibradda ciyaartooyda Ajax yar tahay marka loo eego da`dooda oo hooseysa ciyaartooyda qaar hadana waa koox aan la dhayalsan karin gaar ahaan waxa ay haystaan ciyaartooy ku adkeysata muujinta heer ciyaareedkooda sida dhacday kulankii ay ku soo reebeen Real Madrid ee ay wacdaraha ku dhigeen .

Dhinacyada ay ka xooggan tahay Ajax ayaa ah in ay ku wacan yihiin in si deg deg ah u fuliyaan weerarada rogaal celiska ah waana middii doorka weyn ku laheyd in Real tartankaan ka reebaan , waana xarfaan haddii ay ka hor tagayaan koox daafaceeda uu gaabiyo .

Qadka Dhexe : inkastoo qadka Juve xooggan yahay oo ay joogaan xiddigo ay ka mid yihiin Miralem Pjanić ,Emre Can iyo Blaise Matuidi hadana waxa ay ka sheeganayan daal badan muddo todobaadyo ah halka Ajax ay haystaan qad dhexe oo aad u wacan sida Frenkie de Jong iyo Dušan Tadić .

Qadkaas dhexe ayaana ah fagaaraha lagu kala bixi doono oo kooxdii ku guuleysta maamulka qadka dhexe ayaa heleysa fursadda ugu weyn ee loogu gudbi karo wareeegga 4-ta .

Taariikhda : taariikhda kulamada labada koox , waxa ay wada kulmeen 12 jeer oo ah Champion-ka iyo Europa League ah waxaa 6 jeer badisay Juventus halka kooxda reer Holland ay badiyeen kaliya laba kullan waxa ayna bar bar dhac galeen afar jeer .

Juve waxa ay 12-kaas kullan ku dhaliyeen 12 gool halka Ajax ay ku dhaliyeen kaliya 9 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here