WARBIXIN: Saddex Sababood Oo Waaweyn Oo Ka Dambeeya Dhibaatooyinka Liverpool Ee Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Kooxda Liverpool ayaa mar kale kuftay bar-barana ku dhaafi wayday kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Reds oo 5 dhibcood ku haysay hogaanka horyaalka premier League ayaa haatan kaliya 3 dhibcood ku haysa hogaanka tartanka.

Wiilasha Klopp ayaa khatar ugu jira in lagala wareego hogaanka horyaalka premier League iyaga oo waayi doona hogaanka hadii ay Man City Arbacada ka badiso kooxda Everton.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 3 sababood oo waaweyn oo ka dambeeya natiijooyinka xun ee Liverpool ee kulamadii ugu dambeeyay.

1.Dhaawacayada:

Image result for joe gomez injury

Kooxda Liverpool ayay wakhtigii ugu dambeeyay ku habsadeen dhaawacyo badan iyaga oo xiddigo muhiim ah dhaawacyo ku waayay hadii ay noqoto daafaca ama boosaska kale.

Xiddigaha Joe Gomez, Trent Alexander-Arnold, Dejan Lovren Iyo Joel Matip ayay dhaawacyo ka soo gaadheen kooxda wakhtigii ugu dambeeyay dhanka khadka dhexe xiddigaha Fabinho, Jordan Henderson, Georginio Wijnaldum & Naby Keita ayay sidoo kale dhaawacyo khadka dhexe ah ka soo gaadheen iyada oo laba xiddiga ee Wijnaldum iyo Henderson dhaawac ku seegeen kulanka.

Sidaas darteed dhaawacyada ayaa door ka qaatay in ay kooxda Liverpool natiijooyin aan fiicnayn ka hesho kulamadii ugu dambeeyay.

2.Daafaca:

Daafaca Liverpool ayaa ahaa mid adag bilowgii xilli ciyaareedkan iyada oo laga dhaliyay kaliya 9 gool premier League ilaa todobaadkii 23-aad ee tartanka.

Laakiin Daafaca Liverpool ayaa noqday mid la iska dhex mari karo kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo ay ugu dambaysay in ay shabaqooda ilaashadaan kulankii Brighton ee todobaadkii 22-aad ee premier league.

Liverpool ayaa 3 kulan oo kaliya laga dhaliyay 5 gool iyada oo ay ka kala dhaliyeen kooxaha Crystal Palace (3), Leicester City (1) iyo West Ham oo (1) ah.

3.Weerarka:

Image result for salah mane and firmino

Hadii uu daafaca Liverpool noqday mid aad u jilicsan kulamadii ugu dambeeyay dhanka kale weerarka Liverpool ayaa noqday mid aad u diciifay iyaga oo ku fashilmay in ay wax saamayn ah ku yeeshaan kulamada.

Xiddigah Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Roberto Firmino ayaa si weyn ugu fashilmay in ay kooxdooda goolal u dhaliyaan labadii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here