WARBIXIN: Sababta Uu Isaga Diiday Ku Biirista Arsenal, Sababta Barcelona Uga Reebtay Liiska Kulanka Sevilla & Xog Xiiso Leh Oo Ka Soo Baxday Xaalada Denis Suarez

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Denis Suarez ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Arsenal tan ilaa bilowgii suuqa January ee bishan.

Gunners ayaa xiddiga reer Spain u doonaysa in ay ku xoojiso khadka dhexe ee kooxda inta ka diman xilli ciyaareedkan iyaga oo ku doonaya heshiis amaah ah.

Laakiin saaka ayay soo bexeen warar sheegaya in ay bur-bureen wadahadaladii ay Arsenal ku doonaysa xiddiga khadka dhexe ka ciyaara kadib markii uu diiday in uu ka tago kooxda go,aansadayna in uu iska sii joogo kooxda ugu yaraan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan

Khabiirka ahna saxafiga ka faalooda ciyaaraha Spain ee Guillem Balague ayaa shaaca ka qaaday sababta dhabta ah ee uu Denis Suarez u diiday ku biirista kooxda Arsenal.

Sidoo kale Guillem Balague ayaa sharaxaad ka bixiyay sababtii la yaabka lahayd ee ay kooxda Barcelona xiddiga uga reebtay kulanka Sevilla ee caawa inkasta oo markii hore lagu daray liiska.

Guillem Balague oo arintaas ka hadlaya ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray” Denis Suarez ayaa go,aansaday in uu iska joogo kooxda Barcelona ugu yaraan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, kadib markii ay cadaatay in ayna Arsenal ogolaan doonin in ay 20 ilaa 25 milyan oo euro kula wareegto marka uu dhamaysto heshiiska amaahda ah dhamaadka xilli ciyaareedkan”.

Khabiirka oo ka hadlaya sababta ay Barcelona Suarez uga reebtay Liiska xiddigaha kulanka Sevilla ayuu yidhi” Denis waxa looga reebay Liiska xiddigaha Caawa Sevilla la ciyaaraya copa Del Rey-ga in ay Barcelona Badasho go,aanka xiddiga ah in uu sii joogo kooxda iyaga oo u muujinaya in uuna daqiiqado ka heli doonin kooxda sidaas darteed uu aqabalo in uu isaga tago kooxda”.

“Waxa sidoo kale la filayaa in laga reebo kulanka Girona ee todobaadka dambe, waxa haatan miiska saaran dalabyo kale laakiin xiddiga ayaa doonaya kaliya Arsenal ama in uu sii joogo kooxda”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here