WARBIXIN: Robert Lewandowski, Sadio Mane & 3 Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Liverpool & Bayern Munich

Kulan xiiso leh ayaa caawa dhex mari doona kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay tan ilaa 2001 markaas oo ay labada kooxood wada ciyaareen finalka UEFA Super Cup.

Kooxda Bayern Munich ayaa Group-yada kaga soo baxday kaalinta 1-aad iyaga oo ku jiray Group-ka E oo ay kula jireen kooxaha Ajax, Benfica & AEK.

Dhanka kale Kooxda Liverpool ayaa Group-keedii C kaga soo baxday kaalinta 2-aad iyaga oo ka dambeeyay kooxda PSG halka ay sidoo kale kula jireen kooxaha Napoli & Red Star Belgrade.

Dhanka kulamada dalkooda Labada kooxood ayaa ku jira kaalinta 2-aad iyada oo labada kooxood si weyn isha ugu hayaan in ay natiijo kala baxaan.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 3 meelood oo ay ku kala badin karaan kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich.

Sadio Mane v Joshua Kimmich

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo 4 kulan oo xiriir ah gool u dhaliyay kooxdiisa Liverpool.

Mane ayaa ka hor iman doona xiddiga Kimmich oo daqiiqadaha ugu badan u ciyaara kooxda Bayern Munich tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Qaab ciyaareedka labadan xiddig ayaa door muhiim ah ka qaadan doona natiijada ka soo baxda kulanka ka dhici doona garoonka Anfield.

Georginio Wijnaldum v Leon Goretzka:

Khadka dhexe ayaa kubada casriga ah ee wakhti xaadirkan door muhiim ah ka qaadata qaab ciyaareedka kooxaha iyada oo xiddigaha khadka dhexe ay laf dhabar u noqdaan natiijooyinka kooxohooda.

Wijnaldum ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah inaga oo odhan karna waa xiddiga ugu muhiimsan ee kooxda Liverpool marka loo eego in ay dhibaatootay labadii kulan ee Leicester City iyo West Ham ee uu ka maqnaa xiddigu.

Dhanka kale xiddiga reer Germany ayaa leh tayo kaga mid dhigtay xiddigaha ugu fiican kooxda Bayern Munich isaga oo waliba si joogto ah ugu ciyaara kooxdiisa.

Joel Matip v Robert Lewandowski:

Labada xiddig ayaa dib u soo cusboonaysiin doona tartan xoogan oo ku dhex maray labada xiddig horyaalka Bundesliga.

Labadan xiddig ayaa ka soo wada ciyaaray Derby u dhexeeya kooxaha Schalke oo uu Matip u ciyaari jiray iyo Lewandowski oo u soo ciyaaray Dortmund.

Labada xiddig ayaa iska hor yimid 7 kulan tartamada oo dhan intii ay wada joogeen Germany waxana uu mid walba badiyay 3 kulan halka ay kulanka kale bar-baro ku kala bexeen.

Hadaba labadan xiddig ayaa mar kale isaga hor iman doona kubada cagta iyaga oo door weyn ka qaadan doona go,aaminta kulanka maadama Matio difaacanayo kulanka halka Lewandowski Yahay weeraryahahn.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here