WARBIXIN: Philippe Coutinho v Vinicius Junior & Meelaha Lagu Kala Badin karo Kulanka Sida Weyn Loo Sugayo Ee El Clasico.

0

Semi-finalka Copa del Rey ayaa soo saaray Kulan El Clasico ah iyada oo kooxda Barcelona caawa marti galin doonto Real Madrid lugta 1-aad ee tartanka.

Labada Kooxood ayaa si cad uga war qaba waxa loo dagaalamayo iyada oo koox walba isha ku hayso sidii ay ugu gudbi lahayd wareega xiga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha go,aamin kara kulanka xiisaha leh ee caawa lagu ciyaari doono Camp Nou.

Philippe Coutinho v Vinicius Junior:

Coutinho and Vinicius Junior.

Coutinho ayaa dib u helay kalsoonidii naftiisa kadib markii uu ku bilowday kulamadii Barcelona ee ugu dambeeyay isaga oo ka faa,iidaystay dhaawacii soo gaadhay Ousmane Dembele.

Xiddiga reer Btazil ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay isaga oo ilaa haatan dhaliyay 8 gool sidoo kale caawiye ka noqday 5 kale isaga oo 2 gool dhaliyay kulankii Sevilla ee Copa Del Rey-ga.

Da,yarka reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa dhankiisa ku jira qaab ciyaareed fiican marka loo eego da,diisa iyo kooxda uu u ciyaaro.

18 jirkan ayaa laf dhabar u noqday qaab ciyaareedka Real Madrid kulamadii ugu dambeeyay isaga oo xiriir cajiib ah la yeeshay Karim Benzema.

Hadaba labadan xiddig ee reer Brazil ayuu midkood door weyn oo muhiim ah ka qaadan karaa go,aaminta kulanka caawa ee xiisaha leh.

Luis Suarez v Karim Benzema:

Suarez and Benzema.

Waa Laba Weeraryahan oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo ay si weyn u hayn doonto indhaha adduunka oo dhan kulanka caawa.

Mar walba oo uu Lionel Messi dhaawac ku seego kulan Barcelona ah indhaha taageerayaasha ayaa qabta Luis Suarez kaas oo xiriir cajiib ah la leh xiddiga ugu fiican adduunka 5 jeer.

Suarez ayaa dhaliyay 15 gool oo horaalka ah waxana uu kaalinta 2-aad kaga jira gool dhalinta La Liga isaga oo ka dambeeya Lionel Messi laakiin markii ugu dambaysay ee uu Real ka hor tagay waxa uu ka dhaliyay saddexley.

Kadib qaab fiican oo uuna ku bilaaban xilli ciyaareedka Karim Benzema ayaa dib u helay qaabkiisa isaga oo ah gool dhaliyaha Real Madrid ilaa haatana dhaliyay 18 gool tartamada oo dhan.

Waxa intaas sii dheer in uu xiddiga reer France dhaliyay 6 gool 4-tii kulan ee ugu dambaysay tartamada oo dhan.

Haatan ayuu fursad u haystaa in uu muujiyo wajigiisa dhabta ah marka uu caawa ka hor tago Barcelona oo uu dhibaato ku yahay mar walba oo uu ka hor tago.

Gerard Pique v Sergio Ramos:

Pique and Ramos - the souls of Barcelona and Madrid.

Ma Jiro El Clasico dhamaystiran hadii ay ka maqan yihiin laba xiddig oo la odhan karo waa wadnaha kulanka iyo waliba labadooda kooxood.

Ugu horayn waa Gerard Pique oo si weyn ugu faana in uu xidho maaliyada ka samaysan calanka Catalonia mar walba ku dooda in ay gooni isku daagaan kana goostaan Spain intooda kale.

Xiddiga ayaa ku bilowday si aan fiicnayn isaga oo kooxdiisa ka caawin kari waayay in ay shabaqooda ilaashadaan laakiin waxa uu wakhtigii ugu dambeeyay dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Midka kale ayaa ah Sergio Ramos kaas oo cadaw ku ah Pique marka lagu jiro garoonka waliba saxaafada isku mariya weeraro afka ah kulan walba oo El Clasico ah.

Shaki la,aan labadan xiddig ayaa fure u ahaan doona natiijada ay kooxohoodu kala baxaan kulanka caawa ka dhici doona Camp Nou.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here