WARBIXIN: Philippe Coutinho Oo Lacag Waali Ah U Shaqayn Kara Liverpool & Man United Oo Ka Caawin Karta

0

Kooxda Man United ayaa lala xiriirinayay maalmihii ugu dambeeyay in ay u dhaqaaqi doonto saxixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho kaas oo ku dhibaataysan Barcelona.

Laakiin Heshiis kasta oo ay Man United kula soo wareegto Philippe Coutinho ayaa farxad galin doona Liverpool Faa,iido weyna u ah.

Xiddiga reer Brazil ayaa Liverpool kaga biiray kooxda Barcelona suuqii January iyaga oo ka bixiyay lacag dhan 142 milyan euro.

Laakiin Inkasta oo uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay 6-dii bilood ee ugu horeeyay hadana Coutinho ayaa haatan ku dhibaatoonaya in uu boos ka helo Barcelona todobaadyadii ugu dambeeyay.

Wargayska Caught Offside ayaa sheegaya in ay United isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga si ay ugu dagaalanto boosaska ugu dareeya.

Ku biirista Coutinho ee Old Trafford ayaa si weyn uga xanaajin doona Taageerayaasha Liverpool maadama ay si weyn ula xafiiltamaan United.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in uuna heshiisku suurgatal u ahayn United maadama ay doonayaan in ay bishan xoojiyaan daafaca.

Laakiin Hadii uu heshiisku si lama filaan ah u dhoco Liverpool ayaa si weyn faa,iido dhaqaale ugu qabta.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool heshiiska Coutinho ku dartay qodob ay qiimo lacageed oo fiican ku helayaan hadii ay Barcelona ka iibiso xiddiga kooxda Man United.

Sidaas darteed Liverpool ayaa jeebka ku shuban doonta lacag dhan 100 milyan oo euro sida la sheegayo hadii ay United iibisato xiddiga.

Wargayska MEN ayaa sheegaya in ay arintaas sabab weyn u noqon karto in ayna Man United gabi ahaan u dhaqaaqin saxiixa xiddiga maadama ayna doonayn in ay dhaqaale jeebka ugu shubto koox ay ku xafiiltamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here