WARBIXIN: Paul Pogba & David De Gea Oo Hogaaminaya 8 Xiddig Oo Laga Yaabo In Ay Ka Tagaan Man United Xagaaga

0

Waxa aan sir ahayn in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer qorshaynayo in uu isku shaandhayn weyn ku sameeyo kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu dhawr jeer sheegay in uu suuqa xagaaga si xoogan u gali doono.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda uu shakiga ugu weyn ku jiro xiddigaha kooxdeeda iyada oo la filayo in ay kooxda ka tagaan xiddigo badan hadii ay noqoto qaar heshiiskoodu dhacayo iyo waliba qaar doonaya in ay isaga tagaan kooxda kuna biiraan kooxo kale.

Wargayska Daily Mirror ayaa warbixin ku soo saaray 8 xiddig oo laga yaabo in ay boorsooyinkooda ka qaataan kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Arinta la yaabka ah ayaa ah in uuna Liiskaas ku jirin xiddiga weerarka ka ciyaara ee Alexis Sanchez kaas oo si weyn loola xiriirinayo in uu ka tagayo kooxda si ay kooxdu hoos isaga dhigto mushaharkiisa waalid ah.

Hadaba warbixintan kaga bogo 10-ka xiddig ee laga yaabo in ay Ka Caraabaan Old Trafford:

1.Paul Pogba:

Shaki la,aan waxa uu Pogba ka mid yahay xiddigaha ugu dhaw in ay kooxda ka tagaan inkasta oo ayna maamulka kooxdu doonayn in ay fasaxaan xiddiga hadana xiddiga reer France ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Real Madrid xilli ay haatan jiraan in uu xiddigu kooxdiisa cadaadis ku saarayo in ay ka iibiyaan real Madrid.

2.Antonio Valencia:

Ma jirto wax uu 33 jirkan u soo bandhigayo kooxda Man United waxana uu gaadhay bilihii ugu dambeeyay ee mustaqbalkiisa kooxda Man United waxana uu dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga tagi karaa isaga oo xor ah kadib markii ayna Man United wax heshiis ah u soo bandhigin.

3.Marcos Rojo:

Inkasta oo uu heshiis cusub u saxiixay bishii December ee sanadkii hore waliba qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2021 ah hadana Rojo ayaan ka mid ahayn qorshaah tababare Ole Gunnar Solskjaer isaga oo aan inta badan ciyaarsiin kooxda sidaas darteed United ayaa suuqa dhigi doonta xiddiga reer Argentine.

4.Matteo Darmian:

Xiddiga reer Italy ee Matteo Darmian ayaan si xor ah uga tagi karin kooxda Man United xilli ciyaareedkan kadib markii ay kooxdu dhaqan galisay heshiiskii halka sano ee dookha ahaa laakiin taas ayaan la macno ahayn in uu xiddigu sii joogi doono kooxda maadama uuna ka mid ahayn qorshaha tababaraha sidaas darteed xiddig ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa.

5.Ander Herrera:

Waa xiddiga ugu dhaw in uu ka tago kooxda Man United xilli uu xiddiga reer Spain heshiis la gaadhay kooxda PSG maalmihii la soo dhaafay isaga oo si xor ah ugu biiri doona kooxda reer France dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii ay Man United ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixato.

6.juan Mata:

Si la mid ah xiddiga ay isku dalka yihiin xiddiga reer Spain ayaan heshiis cusub wali u saxiixin kooxda Man United waxana uu si xor ah uga tagi karaa kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo aan ilaa haatan ogolaan in uu heshiis cusub u saxiixo Red Devils.

7.Ashley Young:

Qaab ciyaareedkiisa liita ee kulamadii ugu dambeeyay ayaa keentay in ay taageerayaasha Man United dalbadaan in la iska fasaxo xiddiga reer England ee khabiirka ah waxana ay u badantahay in uu xiddiga isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

8.David De Gea:

Shaki la,aan Man United ayaan doonayn in ay iibiso goolhayaah reer Spain laakiin dhibaatada ayaaah in uu heshiiskiisa kooxdu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe oo uuna ilaa haatana heshiis cusub u saxiixin kooxda, Khilaafka labadan dhinac ayaaa ah dhanka lacagta iyada oo uu De Gea doonayo in uu noqdo xiddiga ugu mushaharka badna kooxda taas oo ay Man United ka meer-meerayso.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here