WARBIXIN: Man United Oo Tababare Ole Gunnar Solskjaer U Sheegay Laba Wado Oo Uu Ku Heli Doono Saxiixyo Cusub Suuqa Janaury

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la siin doonaa lacag uu ku galo suuqa January hadii ay dhacaan laba arimood sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa todobaadkii hore si ku meel gaadh ah Ole Gunnar Solskjaer ugu dhiibtay shaqada tababaranimo ee kooxda isaga oo kooxda hogaamin doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mourinho ayaa shaqada Man United waayay maalmo kadib markii ay United guuldaro 3/1 ah kala kulantay Liverpool iyada oo sidoo kale kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Kadib markii ay Man United guul weyn oo 5/1 ah ka gaadhay Cardiff City waxa jira warar sheegaya in tababare Ole Gunnar Solskjaer la siin doono lacag uu ku galo suuqa January.

Image result for Ed Woodward & Ole Gunnar Solskjaer

Suuqii xagaaga Mourinho ayaa doonayay in uu helo xiddigo cusub si uu kooxda ugu xoojiyo inkasta oo uu xilli ciyaareedkii hore kooxda ku hogaamiyay kaalinta 2-aad.

Shan xiddig ayaa loo keenay kooxda Laakiin tababaraha reer Portugal ayaan ku qanacsanayn saxiixyadii loo keenay isaga oo doonayay qaar intaas ka badan.

Maamulka Kooxda ayaa haatan lagu soo waamayaa in ay tababare Ole Gunnar Solskjaer u sheegeen in uu heli doono saxiixyo cusub hadii ay laba arimood dhacaan.

Ole Gunnar Solskjaer Ayaa loo sheegay in ay tahay in uu xiddigo kooxda ka iibiyo iyada oo ay jiraan xiddigo lala xiriirinayo in ay ka tagayaan kooxda sida Matteo Darmian oo laga doonayo horyaalka Serie A-da, Andreas Pereira oo lala xiriirnayo kooxda reer Brazil ee Santos Iyo Eric Bailly oo lala xiriirinayo kooxaha Tottenham iyo Arsenal taas ayaa ah arinta 1-aad.

Arinta 2-aad ayaa ah in uu tababarel Ole Gunnar Solskjaer la soo wareegi karo xiddigo xor ah oo aanay kooxdu wax lacag ah ka bixin doonin hadii uu doonayo saxiixyo cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here