WARBIXIN: Man United Oo Lagu Soo Waramyo In Ay Ogolaatay In Ay Paul Pogba Ka Iibiso Real Madrid Laakiin…

0

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaatay in ay xiddiga Khadka dhexe ee Paul Pogba ka iibiyaan kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka France.

Kooxda Real Madrid ayaa xiiso dhab ah u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer France si ay u helaan adeegiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga laftiisa ayaa qirtay in ay riyo u tahay in uu xidho maaliyada Los Blancos kana hoos ciyaaro tababaraha reer France ee Zinedine Zidane kaas oo kooxda ku soo laabtay.

Kooxda Los Blancos ayaa la filayaa in isku shaandhayn weyn lagu sameeyo suuqa kala iibsiga xagaaga dhiig cusubna lagu soo daro kadib fadhilkii kooxda ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man United ee uu Hogaamiyo tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaysa in ay sii haysto xiddiga iyaga oo xitaa doonaya in ay heshiis cusub ka saxiixdaan si uu muddo dheer u sii joogo kooxda.

Laakiin xiddiga 26 jirka ah ayaa wali diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda isaga oo dalbanaya in mushaharka kor loogu qaado loona gaadhsiiyo 500 kun oo Gini iyo waliba in uu hubiyo in ay kooxdu u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska L’Equipe ayaa haatan sheegaya in ay Man United diyaar u tahay in ay xiddiga ugu qaalisan suuqooda kala iibsiga ka iibiso Real Madrid hadii ay xagaaga miiska saarto qiimo fiican oo u qalma xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here