WARBIXIN: Man United Oo Go,aamisay In Ay Iska Iibiso Romelu Lukaku & Labab Weeraryahan Oo Ay Badalkiisa U Dhaqaaqi Doonto

0

Kooxda Man Man United ayaa go,aan ka gaadhay mustaqablka weeraryahaka 75 milyan ugu soo biiray ee Romelu Lukaku xilli ay isha ku hayso in ay keento mid ka mid ah weeraryahanada weerarka uga ciyaara Serie A-da.

Man United ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga Romelu Lukaku si ay badalkiisa ugu dhaqaaqdo mid ka mid ah weeraryahanada Horyaalka Serie A-da.

Wargayska Mirror Football ayaa shaaca ka qaadaya in ay Man United haatanba wadahadalo la furtay kooxaha Inter Milan iyo Juventus si ay ugu dhaqaado midkood Paulo Dybala ama Mauro Icardi.

Labada weeraryahan ee reer Argentine ayaa ka dhacay qorshaha tababarayaasha Massimilano Allegri Iyo Luciano Spalletti.

Inkasta Oo Ayna United wali go,aamin badalka Rasmiga ah ee Jose Mourinho hadana taas ayaan ka hor istaagin in ay qorshayso suuqa xagaaga.

Weeraryahan gool dhaliye ah ayaa bartilmaameedka 1-aad u ah kooxda iyada oo Dybala iyo Icardi ay yihiin bartilmaameedkooda.

Si ay u helaan lacagta 100 milyan ee lagu iibinayo labada xiddig maamulka Man United ayaa isku diyaarinaya in ay iibiyaan Weeraryahanka Romelu Lukaku.

Xiddigii hore ee Everton iyo chelsea ayaa xaalad adag kaga jira Old Trafford waxana uu ka war qabaa in uu u baahan yahay in uu isaga tago kooxda.

Waxana uu doorbidi doonaa in uu ku biiro kooxda Juventus si uu joogto ugu guulaysto koobab sanadaha soo socda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here