WARBIXIN: Luis Suarez vs Sergio Ramos, & Meelaha Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Real Madrid & Barcelona Kulanka Copa del Rey

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Barcelona kulan ka tirsan luga 2-aad ee Semi-finalka Copa del Rey.

Sanadihii la soo dhaafay waxa la arkay tartan adag oo dhex mara kooxaha u kala ciyaara labada kooxood kuwaas oo waliba saamayn ku yeesha ama go,aamiya kulanka.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 3 meelood oo ay ku kala badin karaan ama 3 meelood oo go,aamin kara kulanka caawa.

Vinicius Junior vs Nelson Semedo:

Nelson Semedo

Da,yarka kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa lugtii hore soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo waliba nafta u keenay daafacyada Barcelona Waxana la filayaa in uu mar kale ku bilowdo garabka weerarka kooxda Real Madrid.

Vinicius Junior Ayaa ka hor iman doona xiddiga reer Portugal ee Nelson Semedo kaas oo aan lahayn difaacasho fiican laakiin leh weerar halis ah.

Laakiin Semedo ayaa looga baahan yahay in uu isku dheeli tiro weerarkiis iyo daafaciisa marka uu caawa ka hor iman doono Vinicius Junior hadii kale uu ka shalayn doono hadii uuna si fiican u difaacan.

Luis Suarez vs Sergio Ramos:

Sergio Ramos and Luis Suarez

Waa iska hor imaad si weyn loo sugayo inkasta oo uu xiddiga reer Uruguay ee Luis Suarez uuna ku jirin qaab ciyaareed fiican wakhtiyadii ugu dambeeyay.

Laakiin Suarez ayaa saddexley ka dhaliyay kulankii ugu horeeyay ee El Clasico ee xilli ciyaareedkan markaas oo uu leo Messi ka maqnaa kulanka.

Ramos oo qalbiga ku hayn doona kaadh digniin ah oo uu qaato kulankan in uu la macno yahay in uu seegi doono kulanka Finalka Tartanka hadii ay gudubto kooxdiisu ayaa isha ku haya in uu suarez qabto isaga oo aan wax kaadh ah qaadan.

Luka Modric vs Ivan Rakitic

Luka Modric.

Xiddigaha isku dalka ah ayaa isaga hor iman doona khadka dhexe ee kulanka iyada oo uu xiddig walba u dadaali doono sidii uu kooxdiisa guul ugu hogaamin lahaa.

Luka Modric ayaa ku bilowday si xun xilli ciyaareedkan laakiin xiddiga ugu fiican adduunka sanadkii tagay ee 2018 ayaa kulankii Lugta hore ee El Clasico ee copa Del Rey-ga soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga Ivan Rakitic ayaa dhankiisa lagu yaqaanaa ama caan ku ah in uu qaab ciyaareedkiisa ugu fiican soo bandhigo kulanka El Clasico iyada oo la sugi doono midka khadka dhexe ku adkaada labada xiddig ee isku dalka ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here