WARBIXIN: Llorente, Morata, Gameiro, & Shan Weeraryahan Oo Ay U Dhaqaaqi Karto Barcelona Si Ay Ugu Xoojiso Weerarkeeda Suuqa Janaury.

0

Kooxda Barcelona ayaa si raaxo leh ku hogaaminaysa horyaalka La Liga iyaga oo 5 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 2-aad ee Atletico Madrid 10 dhibcoodna ka dambeeya kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Waxa ay sidoo kale u gudbeen wareega 16-ka tartanka champions League iyaga oo wareegaas la ciyaari doona kooxda Lyon bisha dambe.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa isha ku haya in ay xoojiyaan booska weerarka tooska ah inta lagu jiro suuqa January iyaga oo raadinaya xiddig ay ku xoojiyaan.

Si kasta ha ahaatee xiddig kasta oo ku biira ayaa Aqbali doona in uu ka dambeeyo xiddigaha Lionel Messi, Luis Suarez & Ousmane Dembele.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha ay Barcelona bishan Batilmaameedsan doonto inta lagu jiro suuqa January sida laga soo xigtay wargayska Sport.

Fernando Llorente:

33 jirka reer Spain ayaan boos joogto ah ka haysan kooxda Tottenham waxana uu kaliya kooxda u saftay 6 kulan oo premier League ah tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii 2017, Xiddigan ayaa khibrad fiican u leh horyaalka La Liga kadib markii uu horay uga soo ciyaaray kooxaha Atleltic Bibao iyo Vilarreal.

Kevin Gameiro:

31 Jirka reer France ayaa 60 gool oo horyaalka La Liga ah dhaliyay waxana uu haatan u ciyaaraa kooxda Valencia halkaas oo uu kayd ka yahay si joogto ahna ugu ciyaarin xiddigan ayaa dhankiisa leh khibrad horyaalka La Liga ah waliba awoodiisa baray kooxda Barcelona.

Alvaro Morata:

Waxa ay noqon doontaa dhaawac soo gaadha Real Madrid hadii uu xiddigan ku biiro Barcelona marka loo eego in uu yahay xiddiga Madridista ah, Xiddigan ayaa ku dhibaatoonaya kooxda chelsea waxana uu doonayaa in uu isaga taggo kooxda, Morata ayaa dhankiisa khibrad fiican u leh La Liga isaga oo inta badan u soo ciyaaray kooxda ay Barcelona xafiiltamaan ee Real Madrid.

Krzysztof Piatek:

Xiddiga reer Poland ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 21 gool 19 kulan oo uu u saftay kooxda Genoa isaga oo qaab ciyaareedkiisa ku soo jiitay kooxaha ugu waaweyn yurub, Real Madrid ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa xiddiga iyaga oo heshiis amaah ah ku doonaya adeegiisa.

Timo Werner:

Xiddiga reer Germany ayaa doonaya in uu isaga tago kooxdiisa RB Leipzig waana xiddig soo jiitay dareenka kooxaha waaweyn ee yurub waxana lala xiriirinayaa kooxaha Liverpool, Bayern Munich, Borussia Dortmund, xiddiga da,yarka ah aya qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa halka uu sidoo kale hogaamiyo weerarka xulka qarankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here