WARBIXIN: Kane, Neymar & Hazard Oo Hogaaminaya Xiddigo Ay Real Madrid Baanka U Jabinayso Xagaaga

Kooxda Real Madrid ayaa isku shaandhayn weyn ku samayn doonta koooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Real Madridrid ayaa Bartilmaameedsan doonta xiddiga weerarka uga ciyaara Real Madrid ee Harry Kane qayb ka mid ah heshiisyo ku kacay 345 milyan oo euro.

Tottenham ayay ka go,antahay in ay haysato weeraryahanka oo dhawaan qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah xilli ayna u badnayn in ay iibin doonaan.

Laakiin kadib markii ay lumiyeen goolashii Cristiano Ronaldo sidoo kale Gareth Bale hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisu Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay suuqa galiso lacag badan.

Harry Kane ayaa ku soo laabatay goolasha sabtidii kadib markii uu dhaawac ka soo kacay waliba gool dhaliyay kulankii ay 2/1 guuldarada kala kulantay Tottenham kooxda Burnley.

Sida laga soo xigtay wargayska Calciomercato Los Blancos ayaa doonaysa saxiixyada xiddigaha Eden Hazard, Neymar, Paulo Dybala & Waliba daafaca aadka loo qiimeeyo ee kooxda Ajax ee Mattijs De Ligt.

Kadib markii ay 4 champions league ku guulaystay 5-tii sano ee ugu dambaysay Real Madrid ayay xiddigaha haatan jooga u badan yihiin xiddigo jira 30 sano.

Xiddigaha Marcelo (30), Sergio Ramos (32), Luka Modric (33) & Karim Benzema (31) ayaa dhamaantood u baahnaan doona in la abdalo sanadaha soo socda.

Dhanka kale Toni Kroos iyo Gareth Bale ayay labadooduba jiraan 29 sano iyo Keylor Navas oo jira 32 laakiin kooxda ayaa Thibaut Courtois ula soo saxiixatay badalkiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here