WARBIXIN: Juventus Oo Qorshaynaysa In Ay Hesho Paul Pogba & Xiddig Man United Diirada U Saaran Oo Ay Ku Darayso Heshiiska

0

Kooxda Juventus ayaa wali doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba waxana ay diyaar u yihiin in ay fasaxaan xiddig muhiim ah si ay ugu dhaqaaqaan adeegiisa.

Xiddiga reer France ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa kadib markii uu tababare Ole Gunnar Solsjkaer shaqada la wareegay.

Laakiin Xiisaha kooxda Juventus ayaa ah mid wakhti dheer ah waxana ay Juve wali doonaysaa saxiixa xiddiga maadama ayna wali Man United heli tababare buuxa.

Image result for pogba to juventus and Man United

Waxa ay doonayaan in ay khadka dhexe kula mideeyaan xiddiga Aaron Ramsey si ay u caawiyaan xiddiga Cristiano Ronaldo.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay Juventus diyaar u tahay in ay iska fasaxdo xiddigaha Sami Khedira ama Miralem Pjanic si ay u hesho adeegiisa.

Khedira ayaa wakhti horeba lala xiriirinayaa in uu ka tagayo Juventus iyada oo damacsan in ay Arsenal u soo bandhigto si ay u hesho Ramsey bishan.

Waxa lagu soo waramayaa in uu Emery diirada u saarnaa wakhti dheer laakiin Pjanic ayaa ah dookha ugu la yaabka badan.

Xagaagii hore kooxda Juventus ayaa isku dayday in ay u dhaqaaqdo Pogba gaar ahaan maalimihii ugu dambeeyay laakiin United ayaa diiday maadama ayna badalkiisa ku heli karin wakhti kooban.

Laakiin Sky Sport Itlai ayaa sheegaysa in ay United markaas diyaar u ahayd in ay iibiso Pogba hadii ay Pjanic ka heli lahaayeen kooxda Juventus.

Waxa haatan la fahamsan yahay in ay United diyaar u tahay in ay iska iibiso Paul Pogba xitaa hadii uu Jose Mourinho ka tagayy kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here