WARBIXIN: Juventus Oo Dagsatay Qorshe Ay Ku Helayso Saxiixa Joao Felix.

0

Kooxda Juventus ayaa dagsatay qorshe cajiib ah oo ay kooxaha reer yurub ugu garaacayso saxiixa xiddiga 100 milyan lagu qiimeeyo laguna magacaabo Ronaldo-ha cusub ee u ciyaara kooxda Benfica ee Joao Felix.

Hogaamiyayaasha Horyaalka Serie -da ee Juventus ayaa isku diyaarinaya in ay iibiyaan xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdeeda ee Paulo Dyabal si ay ugu dhaqaaqaan saxiixa xiddiga kooxda Benfica.

Sida laga soo xigtay wargaska Tuttosport Juvents ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo 19 jirka saddexleyda ka dhaliyay kooxda Eintracht Frankfurt kulankii lugta 1-aad ee Semi-finalka Europa League.

Dybala ayaa kulamadii ugu dambeeyay lumiyay booskiisa joogtada ah ee kooxda Juventus waxana ay kooxdu aaminsantahay in uu ka caawinayo in ay helaan saxiixa xiddiga reer Portugal.

Joao Felix ayaa dhaliyay 15 gool 37-kii kulan ee uu ciyaaray xilli ciyaareedkan waxana uu soo jiitay indhaha kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya adeegiisa.

Dhaka kale Dyabala ayaa 10 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan 36 kulan oo uu ciyaaray xilli ay Juventus doonayso in ay iska iibiso marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedkan.

19 jirkan ayaa xiiso ka helaya kooxaha Bayern Munich, Real Madrid, Barcelona iyo waliba kooxaha Man United iyo Man City kuwaas oo doonaya adeegiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here