WARBIXIN: Icardi -> Juventus, Dyabala -> Inter: Kooxaha Inter Milan & Juventus Oo Heshiis Isku Badalasho Ah Samaynaya

0

Wargayska La Repubblica ayaa sheegaya in xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ku biiri doono kooxda Juventus heshiis isku badalasho ah oo uu Paulo Dybala ugu biiri doono kooxda Inter Milan.

Icardi ayaa u muuqda mid uu soo dhamaanayo wakhtigiisii Inter Milan kadib murankii ka dhex dhacay isaga iyo maamulka kooxda Inter.

Xiddiga reer Argentine ayaa doonaya in uu sii joogo Serie A-da sidaas darteed dookhiisa kaliya ayaa ah in uu ku biiro Juventus ama Napoli.

Sida laga soo xigtay La Repubblica Labada Kooxood ayaa diyaar u ah in ay arinta ku xaliyaan isku badal labada xiddig ah.

Taas aya la macno ah in uu Icardi ku biiri doono Juventus si uu Uga garab ciyaaro Cristiano Ronaldo halka uu Dyabala ku biiri doono kooxda Inter Milan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan diyaar u tahay in ay Icardi ku iibiso 80 milyan oo euro.

Kooxda ayaa ka helaysa faa,iido weyn marka loo eego in ay Icardi kaliya kula soo wareegeen lacag dhan 13 milayn oo euro xagaagii 2013.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here