WARBIXIN: Hazard Kadib, Real Madrid Oo Bilaabi Doonta Hawl Galka Paul Pogba

Kooxda Real Madrid ayaa si aad ah ugu dhaw dhamaystirka saxiixa Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea iyo xulka qaranka Belguim ee Eden Hazard kaas oo ku dhaw in uu qalinka ku duugo heshiis  sano ah oo uu la joogi doono Los Blancos.

Kadib dhamaystirka heshiiska Eden Hazard Real Madrid ayaa dareenkeeda u jeedin doonta saxiixa Paul Pogba oo ay ugu magac dartay “Hawl galka Paul Pogba”.

Xiddiga reer France ayaay u doonaysaa in ay ku xoojiso khadka dhexe inkasta oo saxiixa Paul Pogba ka adkaan doono midka Eden Hazard iyada oo Real Madrid ka wal-walsantahay arintaas maadama ay ay Los Blancos ka war qabto sida uu qaaliga u yahay xiddigu.

Kooxda Man United ayaa ka war qabta in uu xiddiga khadka dhexe doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid laakiin waxa ay wax walba oo awoodooda ah u samayn doonaan sidii ay u haysan lahaayeen xiddigooda.

Waxa haatanba jira wadahadalo heshiis kordhin ah oo ay kooxda Man United kula jirto xiddiga reer France si ay xiddiga ugu qasbaan in uu sii joogo kooxda Man United muddo dheer.

Dhanka kale maamulka Real Madrid ayaa ka dagan xaalada iyaga oo ku rajo weyn in ay Pogba iyo wakiilku cadaadis ku saaraan Man United inkasta oo ay ka war qabaan in ay 120 milyan oo euro ku qaadan karto in ay helaan xiddiga.

Tababare Zinedine Ziidane ayaa doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe isaga oo si shaqsi ah u dalbaday in loo keeno xiddiga khadka dhexe si uu ugu xoojiyo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska MARCA ayaa intaas sii raacinaya in uu Zidane doonayo in uu xiddigaha uu doonayo oo dhan diyaar ugu ahaadaan kooxda marka ay kooxdiisu u safri doono America kulamadooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here