WARBIXIN: Gonzalo Higuain => Chelsea, Denis Suarez => Arsenal & 6 Saxiix Oo Laga Yaabo In Ay Dhacaan Inta Lagu Jiro Suuqa January

Suuqa kala iibsiga Bisha January ayaa haatan furan muddo 2 todobaad ah sanadka 2019.

Chelsea ayaa wakhti hore la soo saxiixatay xiddiga Christian Pulisic inkasta oo uu xiddigu inta xilli ciyaareedka ka dhiman ku qaadan doono Borussia Dortmund.

Liverpool ayaa dhankeeda laba xiddig ee Nathaniel Clyne & Dominic Solanke ka iibisay kooxda Bournemouth iyaga oo mar kale hore amaah ugu biiray.

Laakiin waxa shaki la,aan la samayn doonaa saxiixyo badan ka hor inta ayna bishu gaadhin 31 si Rasmi ahna suuqu u xirmin.

Barcelona ayaa dhankeeda la saxiixatay xiddiga reer Colombia ee Murilo kaas oo heshiis amaah ah kaga biiray kooxda Sevilla.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 6 saxiix ee laga yaabo in ay dhacaan ka hor inta aanu xidhmin suuqa bishan.

Denis Suarez => Arsenal: Xiddiga reer Spain ayaa bartilmaameed u ah kooxda Arsenal kuwaas oo maanta la filayo in ay horumar ka sameeyaan saxiixiisa una badan tahay in ay heshiis kala gaadhaan kooxda Barcelona adeegiisa si amaah ahna ugu helaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Gonzalo Higuain => Chelsea: Xiddiga reer Argentine ayuu tababare Maurizio Sarri u calaamadsaday in uu ku xaliyo dhibaatada gool la,aanta haysata kooxdiisa waxa ay Blues heshiis amaah ah ugu doonaysaa xiddiga ka hor inta uuna xirmin suuqa January.

Nikola Milenkovic => Manchester United: Daafacan u ciyaara kooxda Fiorentina ayaa bartilmaameed u ahaa United markii uu Jose Mourinho joogay kooxda, inkasta oo ayna kooxda reer Italy diidan tahay in ay fasaxdo hadana waxa ay albaabka u furtay in ay aqabasho hadii uu dalab fiican u yimaado xiddiga.

Callum Hudson-Odoi => Bayern Munich: Hudson-Odoi ayaa ah da,yarkii ugu dambeeyay ee ay kooxda reer Germamny isha ku hayaan, Bayern Munich ayaa dhawr dalab ka soo gudbisay xiddiga laakiin ku fashilantay in ay Blues ku qanciso laakiin da,yarka ayay ka go,antahay in uu ku biiro Bayern Si uu boos joogto ah uga helo.

Nicolo Barella => Chelsea: Maurizio Sarri ayaa doonaya badalka Cesc Fabregas oo ku biiray kooxda Monaco waxana uu xiddiga Barella u arkaa xiddig ka soo bixi kara muhiimada xoojinta khadka dhexe.

Leandro Paredes => Chelsea: Waa xiddig kale oo khadka dhexe ah oo ay kooxda cheslea doonayso in ay ku buuxiso koodeeda inta lagu jiro bishan, xiddiga ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Blues.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here