WARBIXIN: Eden Hazard Oo Go,aamin Doona Mustaqbalka Callum Hudson-Odoi & Real Madrid Oo Door Ka Qaadanaysa

Kooxda Chelsea ayaa shaki la,aan xagaaga dagaal u gali doonta sidii ay xiddigo badan u sii haysan lahayd.

Ku Biirista Eden Hazard ee Real Madrid ayaa saamayn ku yeelan doona ku biirista Callum Hudson-Odoi ee kooxda Bayern Munich.

Kooxda Chelsea ayay ka go,antahay in ayna lumin labada xiddig suuqa xagaaga inkasta heshiisyadoodu dhici doonaan wakhti dhaw.

Hadii ay iibiyaan Hazard waxa ay haysan doontaa da,yarka Hudson-Odoi inkasta oo ayna wali horumar ka samayn heshiis kordhintiisa.

Bayern Munich ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga reer England si ay uga qayb dhigaan dib u dhiska kooxda kadib markii laga reebay champions League.

Waxa ay ku fashilmeen in ay xiddiga helaan suuqii January laakiin waxa ay diyaar u yihiin in ay mar kale u soo dhaqaaqaan adeegiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Paris-Saint Germain ayaa dhankeeda xiiso u muujisay da,yarka kaas oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda chelsea xilli ciyaareedkan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Real Madrid wadahadalo la furtay kooxda Chelsea si ay 70 milyan oo euro ugu dalbato Hazard.

Hadii uu Eden Hazadrd dhamaystiro ku biiristiis Real Madrid waxa ay u badantahay in uu Hudson-Odoi go,aansan doono in uu sii joogo kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here