WARBIXIN: Champions League Oo Soo Laabtay…. & Waxyaabaha Iska Badalay Tan Ilaa Wareegii Group-yada.

0

Waxa Caawa si Rasmi ah u bilaabmi doona wareega 16-ka tartanka champions League kuwaas oo dib loo bilaabi doono kadib fasax muddo ahaa.

Waxa jira is badal weyn oo ka dhacay kooxaha ka ciyaaraya champions League tan ilaa dhamaadkii wareegii Group-yada tartanka champions League.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa wax yaabaha iska badalay tan ilaa wareegii Group-yada champions League.

Tababarayaasha Saxay Khaladkii Kuwii Ka Horeeyay:

Kooxaha Real Madrid iyo Man United ayaa badalay tababarayaashii hogaamiyay kulamadii wareega Group-yada tartanka champions League.

Man United ayaa shaqada ka caydhisay Jose Mourinho halka ay Real Madrid shaqada ka cadhisay Julen Lopetegui halka ay shaqada la kala wareegeen Ole Gunnar Solskjaer iyo Santiago Solari.

Kooxda Man United ayaa ku jirta wakhtigii ugu fiicnayd xilli ciyaareedkan iyaga oo gaadhay 10 guulood 11 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan.

Dhaka kale Real Madrid ayaa soo yaraysay dhibcihii waalida ahaa ee ay ka dambaysay Barcelona iyaga oo haatan kaliya 6 dhibcood ka dambeeya waliba qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Natiijooyinka Soo Baxay:

Waxa jira cabsi weyn oo looga cabis qabaa in ay kooxda Juventus ku guulaysato champions League xilli ciyaareedkan kadib markii ay la soo saxiixdeen xiddiga Cristiano Ronaldo inkasta oo ay dhibaatoodeen qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan.

Juventus ayaa laga reebay tartanka Copa Italia iyaga oo waliba guuldaro 3/0 ah kala kulmay kooxda Atalanta waxana ay sanadkan si weyn loo filayaa in ay u dagaalanto tartanka champions League.

Dhanka kale Liverpool ayaa ku jirta xaalka Juventus iyaga oo dhibaatooday kulamadii ugu dambeeyay inkasta oo ay si fudud ku qaadi kareen horyaalka hadana waxa ay khatar ugu jirtaa in ay Man City u waydo horyaalka premier League.

Dhacdada PSG Ee Soo Laabatay:

Kooxda PSG ayay ku dhacday arin ku dhacday isla xilli ciyaareedkii qaybtii dambe ee champions League iyaga oo wareegii 16-ka dhaawac ku seegay xiddigooda ugu fiican ee Neymar laakiin isla dhacdadii xilli ciyaareedkii hore ayaa soo muuqatay.

Neymar ayaa dhaawac ku seegi doona kulanka ay caawa la ciyaari doonto kooxda Man United sidii dhacday wareegii 16-ka ee tartanka sanadkii hore.

Miyuu Jiraa Faras Madaw?

Kooxaha Fc Porto Iyo Lyon ayaa si lama filaan ah ugu gudbi kara wareega xiga ee 8 dhamaadka inkasta oo ay la ciyaari doonaan kooxaha Roma iyo Barcelona.

Wareega 16-ka tartanka champions League ayayna jirin koox la dhayalsan karo markaas kooxaha waaweyn ayaa isha ku haya in ay iska ilaaliyaan lama filaan uga yimaada kooxaha yar-yar ee tartanka.

Miyay Man City Samayn doontaa wixii uu Carragher sheegay?.

Maalmo yar ka hor xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in ayna Man City xilli ciyaareedkan ku joogsan doonin ku guulaysiga horyaalka premier League laakiin ku guulaysan doonto 4 koob oo taariikhi ah.

Man City ayaan la ciyaari doonin koox adag iyada oo la ciyaari doonta kooxda Schalke kuwaas oo aan ku jirin wakhti fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here