WARBIXIN: Barcelona Oo Wali Raadinaysa Badalka Carles Puyol Tan Ilaa Markii Uu Ciyaaraha Ka Fadhiistay, Imisa Daafac Ayay la Soo Wareegeen?

0

Todoba xiddig oo ka ciyaara daafaca dhexe ayaa ku biiray kooxda Barcelona tan ilaa Markii uu Carles Puyol ka fadhiistay ciyaaraha kubada cagta sanadkii 2014.

Kooxda Barcelona ayaa xalay ku dhawaaqday saxiixa daafaca kooxda Valencia ee Jeison Murillo kaas oo ah xiddigii ugu dambeeyay ee daafaca dhexe ka ciyaara ee ku soo biira kooxda.

Xagaagii uu Puyol ciyaaraha ka fadhistay kooxda Barcelona ayaa 20 milyan ka bixisay xiddigii hore ee kooxda Valencia ee Jeremy Mathieu halka ay sidoo kale 19 milyan ka bixiyeen Thomas Vermaelen oo ay kala soo wareegeen kooxda Arsenal.

Samuel Umtiti ayaa ah daafaca ay ku guulaystay kooxdu kaas oo kooxda ku soo biiray 2016 iyada oo ka soo bixisay lacag dhan 25 milyan oo euro waliba noqday xiddig u qalmay lacagta laga soo bixiyay.

Kooxda ayaa 5 milyan oo kale ku bixisay Marlon kaas oo daafaca dhexe uga ciyaaray kooxda Barcelona B kadib ka tagay xagaagii hore kuna biiray Sassuolo kadib markii uu fursad ka waayay kooxda.

Suuqii January Barcelona ayaa mar kale daafac dhexe kala soo wareegtay suuqa Waxana ay gacanta ku soo dhigeen Yerry Mina iyaga oo ka soo bixiyay 11 milyan oo euro laakiin xiddiga ayaa 9 bilood kaga tagay kooxda isaga oo ku biiray Everton suuqii Janaury.

Ugu dambayn kadib dhaawacyo soo gaadhay xiddigaha Vermaelen & Umtiti Barcelona ayaa u dhaqaaqday saxiixa daafaca Valencai aee Murillo kaas oo saacadaha soo socda loo soo bandhigi doono taageerayaasha.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here