WARBIXIN: Barcelona Oo Gabi Ahaan Isaga Hadhay Marcus Rashford & Laba Arimood Oo Sabab U Ah

0

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ugu dambayn ka hadhay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford oo ay indhaha ku haysay wakhtigii ugu dambeeyay.

Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn ka hadhay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford sabab la xidhiidha in ay dareensan tahay in ay lacag qaali ah ku qaadan doonto si ay United ugu qanciso in ay fasaxdo da,yarka reer England.

Rashford oo 21 jir ah ayaa wali diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United xilli heshiiskiisa haatan dhici doono xagaaga 2020 laakiin hal sano oo dookh ah uu ku jiro heshiiskiisa.

Xiddiga reer England ayaa la fahsamsan yahay in uu doonayo lacag ka badan 200 kun oo Gini todobaadkii si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda Man United xilli ay Barcelona diyaar ula tahay lacagta uu doonayo.

Lacagtaas ayaa ka dhigaysa xiddiga 4-aad ee ugu mushaharka badan Barcelona isaga oo ka dambayn doona xiddigaha Philipe Coutinho behind Ousmane Dembele, Luis Suarez & Lionel Messi.

Laakiin United ayaan si fudud u ogolaan doonin uu uga tago kooxda iyaga oo dalbanaya in ay ku iibiyaan lacag dhan 150 milyan oo euro maadama uu ka mid yahay xiddigaha u soo kacaya kubada cagta.

Madaxda Barcelona ayaa fahamsan in ay lacag ka jaban ku heli karaan xiddig kale inkasta oo ay la dheceen qaab ciyaareedka Marcus Rashford labadii kulan ee champions League.

Sababta 2-aad ayaa ah in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer da,yarka Marcus Rashford u arko qayb muhiim ka ah qorshihiisa kooxda ee mustaqbalka waliba tababaruhu ku dhisi doono xiddiga kooxda Man United suuqa xagaaga xilli ay Man United diidantahay in ay lumiso xiddigan si fiican ugu soo kacaya Man United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here