WARBIXIN: Arsenal Oo Ooglaatay In Ay PSG Ka Iibiso Da,yarka Mattéo Guendouzi & Qorshaha Unai Emery Oo La Ogaaday

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay Kooxda PSG U Sheegtay halka wado ee ay ku heli karto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mattéo Guendouzi.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda PSG u sheegtay in ay miiska saarto lacag dhan 60 Milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mattéo Guendouzi kaas oo ay xiiso u muujiyeen wakhtigii ugu dambeeyay.

Mattéo Guendouzi ayaa si lama filaan ah 6 milyan oo euro ugu soo biiray Arsenal suuqii xagaaga isaga oo kaga soo biiray kooxda Loreint.

19 jirka ayaa si deg-deg ah uga mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Unai Emery isaga oo 33 kulan u saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay wargaysa Sunday Express Kooxda PSG ayaa la socotay horumatka Mattéo Guendouzi iyaga oo isku diyaarinaya in ay u dhaqaaqaan suuqa xagaga.

Laakiin Gunners ayaa u sheegtay in ay miiska saartolacag dhan 60 milyan oo Euro si ay u hesho xiddiga reer France.

Unai Emery ayaan xagaaga lacag badan ka heli doonin maamulka kooxda iyada oo haatanba loo sii sheegay in uu heli doono lacag 40 milyan ah oo uu suuqa ku galo.

Sidaas darteed Emery ayaa madaxda Arsenal ku war galiyay in uu iibin doono Mattéo Guendouzi hadii ay PSG soo dalbato si uu kor ugu qaado lacagtiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here