WARBIXIN: Anthony Martial Oo Si Lama Filaan Ah U Ogolaaday In Uu Ku Biiro Koox La Liga Ah

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Anthony Martial aya lagu soo waramayaa in uu si lama filaan ah diyaar u yahay in uu ka tago kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Sevilla ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso xiddiga reer France ee Anthony Martial kaas oo dhankiisa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda reer Spain.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in xiddiga reer France oo heshiiskiisa ka hadhsan tahay 18 bilood si lama filaan ah u ogolaaday in uu ku biiro Sevilla bishan.

Mustaqbalka Anthony Martial ayuu ku jiray shaki weyn intii uu kooxda joogay Tababare Jose Mourinho kaas oo isku dayay in uu iibiyo suuqii xagaaga.

Laakiin xaalka ayaa is badalay kadib markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer la wareegay shaqada kooxda.

Waxa la fahamsan yahay in uu Martial wadahadalo heshiis kordhin ah kula jiro kooxda Red Devisl si uu musataqbalkiisa ugu hibeeyo.

Si kasta ha ahaatee kooxda Sevilla ayay dhirbaaxo ku dhacday madib markii uu Morata ka doortay ku biirista Atletico Madrid.

Sidaas darteed Waxa ay doonayaa in ay u dhaqaaqaan xiddiga reer France xilli ay wararku intaas ku darayaan in uu Martail u furan yahay in uu isaga tago United.

Taas ayaa cadaadiska sii saari doonta tababare Solskjaer kaas oo ku qanacsanaa in uu xiddigu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Man United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here