WARBIXIN: Alderweireld, Pulisic, Ramsey, Hazard & 9 Heshiis Ee Laga Yaabo In Ay Dhacaan Suuqa January

0

Suuqa kala iibsiga January ayaa si Rasmi ah u furmi doona maalinta Bari ah waxana ay kooxaha reer yurub isha ku hayaan in ay lacag suuqa Galiyaan si ay qaybta dambe ee xilli ciyaareedka u gaadhaan natiijooyin fiican.

Liverpool ayaa hogaanka y haysa horyaalka premier League qaybtiisii hore kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen.

Man City ayaa laga yaabaa in ay suuqa u gasho xoojin si ay u soo qabato Liverpool una difaacato horyaalka premiee league.

Waxa sidoo kale jira kooxo kale oo shaki la,aan suuqa u gali doona sidii ay kooxda u xoojin lahayd una dhaqaaqi lahayd xiddiga ay doonayso.

Hadaba waxa aann warbixintan ku soo bandhigi doonaa 9-ka saxiix ee laga yaabo in ay dhacaan suuqa January sida laga soo xigtay wargayska Daily Mirror.

Eden Hazard: Xiddiga kooxda chelsea ayaa si joogto ah loola xiriirinayaa Real Madrid waxana ay 18 bilood ka hadhsan yahay heshiiskiisa waxana uu dhawr jeer qirtay in uu ka bixi doono waxana ay u badan tahay in uu noqdo heshiiska ugu hadal haynta badan.

Toby Alderweireld: Tottenham ayaa dhaqan galin doonta heshiiska hal sano ee dookha ah taas oo la macno ah in uu Kooxda kula jiri doono heshiis ilaa 2021 ah laakiin arintaas yaan ka hor istaagi karin in 25 milayn oo kaliya lagu bur-buriyo heshiiskiisa waxana ay u badantahay in ay Man United mar kale ku laabato baacsigiisa.

Isco: Isco ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Real Madrid waxana si weyn loola xiriirinayaa in uu isaga tago kooxda Inkasta oo uu qirtay in uu sii joogi doono kooxda hadana 26 jirkan ayaa laga yaabaa in ay Real Madrid ku darto heshiiska Eden Hazard.

Ivan Perisic: Waa xiddig si weyn loola xiriirinayo in uu ka tagayo kooxda Inter Milan waxana lala xiriirinayaa kooxaha Bayern Munich iyo Atletico Madrid waana xiddig horay loola xiriirinayay kooxda Man United iyada oo kooxda Inter Milan diyaar u tahay in ay ku iibiso 45 Milyan oo euro.

Christian Pulisic: Xiddiga ayaan lala xiriirinayaa kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Man United waxana ay Borussia Dortmund doonaysaa in ay ku iibiso 70 Milyan oo euro waxana jira warar sheegaya in ay Chelsea haatanba ku guulaystay saxiixa xiddiga reer Maraykan.

Yaya Toure: Waxa laga yaabaa in uu xiddigan ku soo laabto horyaalka premier League gaar ahaan kooxda West Ham kadib markii uu ka tagay kooxda Olympiakos waxana lala xiriirinayaa kooxda West Ham.

Aaron Ramsey: Xiddiga reer Wales ayaa si xor ah uga tagi kara Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ka tagi karaa suuqa Janaury iyada oo lala xiriirinayo kooxaha Paris St Germain, Bayern Munich & Juventus.

Callum Wilson: Dhibaatada weerar La,aanta ee kooxda Chelsea ayaa keentay in ay dareenkooda u jeediso xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Wilson, xiddigan ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan kooxdiisa waxana uu Maurizio Sarri diyaar u yahay in uu bixiyo wax walba oo uu ku heli karo xiddiga.

Cesc Fabregas: Waa xiddig kale oo si xor ah uga tagi kara kooxdiisa chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu haatanba xiiso a helayaa kooxaha reer yurub iyada oo ay ka mid tahay Ac Milan iyo Man City oo sidoo kale badal u doonaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here