WARBIXIN: 7 Arimood Oo Ka Dambeeya Xilli Ciyaareedka Man United Ee Dhanka Kale Isku Rogay Tan ilaa Bixintaankii Mourinho

0

Kooxda Man United ayaa dhanka kale u rogtay xilli ciyaareedkeeda tan ilaa markii shaqada laga caydhiyay tababare Jose Mourinho si ku meel gaadh ahna loogu dhiibay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Man United ayaa gaadhay 3 guulood oo xiriir ah kadib markii ay garaacday kooxaha Cardiff, Huddersfield & Bournemouth.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa sababaha ka dambeeya qaab ciyaareedka is badalka leh ee Man United sida laga soo xigtay wargayska MARCA.

Manchester United's post-Mourinho resurrection: What exactly has…

Dagaalka Xiddigaha:

Man United ayaa haatan u ciyaarta si isku tiirsanaan ah markii uu Solskjaer shaqada ka badalay jose Mourinho halkii ay xiddiguhu dagaal kula jireen Jose Mourinho sidoo kale xiddigaha ayaa haatan u ciyaaraya qaab xoriyad leh oo aanay cabudhin ku jirin.

Kubad Haysashada:

Sida iska cad tababare Solskjaer ayaa jecel in ay kooxdiisu kubada haysato si ay kooxda kale uga hor istaagaan in ay qaadaan weeraro rogaal celis ah waxana ay Man United kubada haystay kulankii Cardiff 72% halka ay Huddersfield kubada haysteen 65% iyo Bournemouth oo ay haysteen 63% halka uuna Jose Mourinho ku fashilmay in ay kooxdiisu kubada haysato in badan.

Rashford Oo Ka Ciyaaraya Weerarka Tooska Ah:

Is badalka ugu weyn ee uu sameeyay Solskjaer ayaa ah in uu Rashford ka ciyaarsiiyay weerarka tooska ah 3-dii kulan ee uu tababaraha u ahaa Man United waxana ay arintaas u keentay qaab ciyaareed fiican iyo waliba goolal badan.

Qaab Ciyaareed Weerar ah:

Man United ayaa dhalisay 38 gool 24 kulan oo uu jose Mourinho hogaamiyay kooxda tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan laaka ay kadib markii uu Solskjaer la wareegay shaqada 3 kulan kaliya ku dhalisay 12 gool taas oo muujinaysa in ay Man United si weyn isaga badashay dhanka weerarka.

Paul Pogba Oo Xoriyad La Siiyay: Waxa la yaab ah ilaa haatan waxa uu soo bandhigayo xiddiga reer France tan ilaa markii uu Mourinho ka tagay kooxda isaga oo dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 kale 3-dii kulan ee uu ciyaaray taas oo la macno ah in uu ku lug lahaa gool dhamaan 3-dii kulan ee tababare Solskjaer.

Tuurista Felliani:

Tababare Solskjaer ayaa gabi ahaan shaxdiisa ka tuuray xiddiga khadka dhexe ee Fellaini isaga oo aan wax kulan ah u ciyaarin tan ilaa markii uu tagay Jose Mourinho halkii uu xiddigu xiddig muhiim ah ka aha shaxdii jose Mourinho.

Qaab Ciyaareedka Fiican ee Andrea Herrera:

Inkasta oo uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda waliba heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan hadana Herrera ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu Solskjaer la wareegay kooxda isaga oo shaxdii ka nqoday xiddig laf dhabar u ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here