WARBIXIN: 6 Sababood Oo Ay Man United Ku Garaaci Karto Barcelona

Kooxda Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda Barcelona kulan dib u soo celin doona xasuuso tartanka champions League ah.

Barcelona ayaa Man United ku garaacday 2/0 Finalkii champions League ee 200 ka hor inta ayna isla finalka tartanka ku garaacin 3/1 sanadkii 2011.

Si kasta ha ahaatee United ayaa xasuus cajiib ah ku leh Camp Nou kaas oo ag guushii ay Man United ugu guulaystay finalkii champions League ee 1999-kii.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 6 sababood oo ay Man United khatar ugu tahay Barcelona:

1.Awooda Cirka:

Hadii ay tahay boos ay Man United kaga fiicantahay Barcelona waa kubadaha madaxa ah.

Xiddigaha Chris Smalling & Nemanja Matic ayuu dhererkoodu yahay 1.94 metres waxa soo raaca Scott McTominay oo ah 1.91M, Romelu Lukaku 1.90 David De Gea 1.89m, Victor Lindelof 1.87m, Eric Bailly Iyo Marcus Rashford oo ah 1.85m.

2.Waxa Ay Dareemayaan In Ay Garaaci Karaan Koox Kasta:

Guushii ay ka gadheen PSG iyada oo ay 10 xiddig ka maqan yihiin waliba guuldaro 2/0 ah kala kulmay lugtii hore ayaa kalsooni u siinaysa in ay garaaci karaan koox kasta.

Tan ilaa markii uu Solskjaer qabtay kooxda waxa ay xiddigaha kooxdu dareensan yihiin in ay ka badin karaan koox kasta oo ay ku aado.

3.Paul Pogba Oo Cajiib Ah:

Pogba ayaa ah tusaalaha ugu fiican marka la eego sida ay xiddigaha kooxdu u horumareen tan ilaa markii uu Solskjaer la wareegay kooxda waxana uu dhaliyay 8 gool iyo 6 caawin 14-kii kulan ee uu kooxda u ciyaaray intii uu Solskjaer ahaa tababaraha kooxda.

4.No.9 ama 9 Beenta ah?.

Waa su,aasha ugu weyn ee hro taala tababare Solskjaer haatan ilaa kulanka Barcelona waxana uu u baahanyahay in uu kala doorto 9 Beenta ah ee Jesse Lingard iyo Rashford ama weeraryahanka tooska ah ee sida Lukaku.

5.Weerar Rogaal Celis Ah Oo Halis Ah:

Kooxda Man United ayaan odhan karnaa waa kooxda ugu halista badan marka laga hadlayo weerarka rogaal celiska ah iyaga oo ku garaacay kooxds PSG kagana dhaliyay 3 gool 4-tii fursadood ee ay heleen.

Xiddigaha Lingard, Rashford, Anthony Martial, Lukaku & Pogba ayaa ah xiddigo si aad ah u kexeeya kubada cagta waliba ku dhaawici kara kooxaha ka soo hor jeeda.

6.Amaanka Shabaqa:

Goolhayaha Kooxda Man United ee David De Gea ayaa ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican adduunka iyo premier League waxana uu shabaqiisa ilaashaday 100 kulan premier League, Goolhayihii hore ee kooxda Tottenham ayaa kaligii 11 badbaadin sameeyay kulankii Tottenham.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here