WARBIXIN: 5 Sababood Oo Ay Man United Uga Fikirayso Haatan In Ay Taababare Buuxa Ka Dhigto Ole Gunnar Solskjaer

Tartanka uu Ole Gunnar Solskjaer ugu jiro in ay Man United ka dhigto tababaraha buuxa ee kooxda ayaa sii xoogaysanaya kulanba kulanka ka dambeeya.

45 jirka ayaa Man United geeyay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka kadib markii uu ku hogaamiyay guushii 5-aad oo xiriir ah tan ilaa markii uu shaqada ka badalay Jose Mourinho.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxda ku hogaamiyay guulo ay ka gaadhay Reading, Cardiff, Huddersfield, Bournemouth & Newcastle taas oo siisday awood cajiib ah ah.

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa ah dookha 1-aad ee ay Man United doonayso in ay tababare uga dhigto kooxda laakiin waxa jirta cabsi laga qabo in ayna la kulmin 40 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Real Madrid ayaa sidoo kale xiiso u qabta tababare Mauricio Pochettino taas oo keentay in ay Man United ka fiirsanayso badalkiisa.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa shan sababood oo ay Man United uga fiirsanayso in ay Ole Gunnar Solskjaer uga dhigto tababarohooda buuxaha.

Guulaha Kulamada:

Ole Gunnar Solskjaer ayaa noqday kaliya tababarihii 2-aad ee guul ku hogaamiya Man United shantiisii kulan ee ugu horeeyay isaga oo ka dambeeya Matt Busby.

Dibcaha ay haatan ka dambeeyaan kaalinta 4-aad ayaa ah kaliya 6 dhibcood iyada oo 17 kulan ka dhiman yahay horyaalka, hadii uu Ole Gunnar Solskjaer kooxda ku hogaamiyo kaalmaha champions League kadib waxa uu heli doonaa waxa ka badan wixii ay kooxud u balan qaadeen markii uu shaqada la wareegay.

Kulanka xiga waxa uu ka hor tagi doonaa Pochettino oo ah dookha 1-aad ee ay kooxdu doonayaan in ay u dhiibaan shaqada kooxda hadii uu ka badiyo shaki la,aan waxa uu heli doonaa dareenka maamulka kooxda.

Sir Alex Ferguson:

Tababarihii hore ee kooxda ayaa mar kale saamayn ku leh qolka Labiska iyada oo uu tababare Solskjaer dib ugu soo celiyay kooxda si uu talooyin u waydiisto tababarihii kooxda ku hogaamiyay 13 horyaal.

Ferguson Ayaa si joogto ah u soo xaadira tababarak iyo kulamada si uu talooyin u siiyo xiddigiisii hore ee haatan ah tababaraha kooxda Man United ee ku meel gaadhka ah.

Qeexida Xorta ah:

Go,aankii ugu horeeyay ee uu Solskjaer siiyay xiddigaha Marcus Rashford iyo Anthony Martail ayaa ah in ay joojiyaan in ay dib u soo raacaan kubada lana difaacdaan kooxda si ay uga faa,iidasystaan diciifnimada kooxaha ka soo hor jeeda.

Labada xiddig ayaa u muuqday qaar luminyay ama khasaarinayay kubada markii uu jose Mourinho joogay kooxda laakiin haatan waxa ay ku jiraan qaab heer sare ah.

Gaar ahaan Rashford ayaa ku jiraa qaab wareer ah kadib markii laga ciyaarsiiyay booska weerarka tooska ah isaga oo dhaliyay goolal tan ilaa markii uu tababaruhu yimid.

Paul Pogba:

Xiddiga reer France ayaa ah xiddiga ugu badan ee ka faa,iidaystay imaashaha tababare Solskjaer kaas oo xoriyad u siiyay in uu weerarka galo kana qaaday masuuliyadii ahayd in uu khadka dhexe ee daafaca ka ciyaaro.

Pogba aya 4 kulan ku dhaliyay goolak uuna ku dhalin intii uu ka hoos ciyaarayay waxana uu haatan mar kale u muuqdaa mid hogaaminaya kooxda Man United.

Daganaanta Daafaca:

Jose Mourinho ayaa si aad ah uga cabanayay daafaca suuqii xagaagana si aad ah u doonayay in uu ku soo daro xiddigo daafaf ah.

Laakiin tababare Solskjaer ayaan u baahan intaas isaga oo kalsooni ku abuuray inta uu haatan haysto kuwaas oo soo bandhigay qaab ciyaareed aad uga fiican kuwii ay soo bandhigayeen markii uu kooxda haystay jose Mourinho.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here