WARBIXIN: 4 Weeraryahan Oo Ay Chelsea U Dhaqaaqi Karto Suuqa January Kadib Markii Uu Sarri Qirtay In Uu U Baahanyahay Weeraryahan Cusub.

0

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa si Rasmi ah u qirtay in uu u baahan yahay weeraryahan kadib markii ay kooxdiisu bar-baro goolal la,aan ah la gashay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Chelsea ayaa haysata xiddigaha Olivier Giroud iyo Alvaro Morata ayaa ku fashilmay in ay wax saamayn ah ku yeeshaan kooxda cheslea.

Blues ayaa ugu cad-cad in ay ku dhamaysato kaalmaha ugu sareeya premier League una soo baxdo tartanka champions league xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Arsenal ayaa kaliya 3 dhibcood ka dambaysa halka ay kooxda Man United oo uu Hogaamiyo Ole Gunnar Solskjaer ay wacdaro dhigayso si xoogana ugu soo socoto kaalmaha loogu soo baxayo champions league.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 4 weeraryahan oo ay chelsea u baahan tahay in ay midkood u dhaqaaqdo hadii ay doonayso in ay sii haysato fursadeeda u soo bixitaanka champions league xilli ciyaareedka dambe.

Image result for Four strikers Chelsea could sign in January

Gonzalo Higuain:

Xiddigan reer Argentine ayaa lala xiriirinayay kooxda chelsea tan ilaa markii uu Sarri tababaraha u noqday iyaga oo ku dhawaaday xagaagii hore laakiin Blues ayaa mar kale ku laabatay baacsiga xiddigan iyaga oo waliba diyaar u ah in ay Ac Milan siiyaan Alvaro Morata si uu heshiisku u fududaado.

Marko Arnautovic:

Xiddiga reer Austria ayaa dib ugu soo laabtay garoomada kadib markii uu dhaawac ka soo kacay laakiin xiddigan ayaa durba muujiyay muhiimadiisa isaga oo guuldaro ka badbaadiyay kooxdiisa kulankii ugu horeeyay ee uu dhaawaca ka soo kacay xiddigan ayaa laftiisa bartilmaameed u ah Chelsea inkasta oo ay tartan kala kulmayaan kooxda Man United oo laftoodu doonaya adeega xiddiga.

Callum Wilson:

Waa xiddig wacdaro ku jir xilli ciyaareedkan isaga oo ah xiddiga ugu goolasha badan koxodiisa waxana uu ka mid yahay xiddigaha lala xiriiriyay kooxda chelsea wakhtigii ugu dambeeyay inkasta oo ayna Bournemouth doonayn in ay iibiso xiddiga hadana waxa kaliya ka xiga saxiixa xiddiga chelsea lacag dhan 30 milyan oo euro.

Jamie Vardy:

Xiddiga reer England ayaa ah xiddig ciqaaba kooxaha waaweyn ee premier League isaga oo ka dhaliya goolal kulan kasta oo uu ka hor yimaado waliba sabab u aha guuldaradii chelsea ka soo gaadhay Leicester City horyaalka xilli ciyaareedkan, xiddiga ayaanan sidoo kale diidayn fursad uu uga ciyaaro tartamada yurub hadii uu ku biiro Chelsea dalab fiicana ka gudbiso adeegiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here