WARBIXIN: 4 Saxiix Ee Ugu Qaalisan Suuqa January Ee Maanta Xidhimi Doona

Suuqa Janaury ayaa maanta si Rasmi ah u xidhmi doona iyada oo la soo gaba-gabayn doono muddo 31 maalmood ah oo ay kooxaha Kala duwan ee reer yurub samaynayeen saxiixyo ay ku xoojinayaan kooxda

Kooxaha La Liga, Premier League, Serie A-da, Bundesliga & Ligue 1 ayaa dhamaantood sameeyay saxiixyo ay ku xoojinayeen kooxdooda.

Waxa jira xiddigo ay kooxuhu baanka u jabiyeen lacag badan ka bixiyeen si ay ugu xoojiyaan kooxdooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxa aan Halkan ku soo gudbin doonaa 4 saxiix ee ugu waaaweyn ee laga sameeyay suuqa January ee bishan.

Frenkie de Jong -> Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa xiddiga reer Holland ka bixisay lacag dhan 90 Milyan oo euro oo ay ka mid tahay 11 milyan oo euro ah isaga oo kaga biiray kooxda Ajax oo ay amaah ku siisay inta ka dhiman xilli ciyaareedkna.

Christain Pulisic -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa xiddiga reer America ka bixisay lacag dhan 57 milyan oo euro kaas oo ay dhamaystirtay heshiiskiisa bilowgii bishan laakiin qaab amaah ah ku siisay kooxdiisa Dortmund.

Krzysztof Piatek -> Ac Milan:

Kooxda Ac Milan ayaa da,yarka Krzysztof Piatek ka bixisay lacag dhan 40 milyan oo euro oo ay ku jirto lacag guno ah iyaga oo badal uga dhigay Gonzalo Higuain oo kooxda Chelsea qaab amaah ah ugu biiray.

Benjamin Pavard -> Bayern Munich:

Kooxda Bayern Munich ayaa 35 Milyan oo euro ka bixisay 22 jirka reer France ee u ciyaara kooxda VfB Stuttgart kuwaas oo ku sii haysan doona heshiis amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here