WARBIXIN: 4 Arimood Oo Sabab U Noqday In Ay Man United Guul Weyn Ka Gaadhay Arsenal, Weerarka Gunners Ayaa Ka Qayb Ahaa.

Kooxda Man United ayaa guul qaali ah oo ay u qalantay ka gaadhay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa tartanka FA Cup-ka kana dhacay garoonka Emirates.

Goolal ay dhaliyeen Alexis Sanchez, Athony Martail iyo Jesse Lingard ayaa Red Devils ka caawiyay in ay jiidhaan kooxda Arsenal.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudibin doonaa sababtii ka dambaysay in ay United garaacdo kooxda Arsenal kulankii xalay.

1.Daafaca:

Kooxda Man United ayaa ahayd koox ay daafaceedu isku xidhnaayeen min bilow ilaa dhamaadkii ciyaarta halka daafaca Arsenal uu ka muuqday kala daadsanaan gaar ahaan markii uu dhaawaca ku baxay xiddiga Sokratis Papastathopoulos kaas oo la saaray daqiiqadii 21-aadba.

2.Dhaawacyada:

Dhaawacyadii soo gaadhay Arsenal gaar ahaan dhanka daafaca ayaa door weyn ka qaatay in ay Kooxda Man United gaadho guushii weynayd ee ay xalay ka gaadhay kooxda Arsenal, United ayaa bilowday goolasha kadib markii uu dhaawaca ku baxay xiddiga Sokratis Papastathopoulos iyaga oo waliba laba gool oo deg-deg ah ku dhaliyay muddo 2 daqiiqo gudohood ah.

3.Weerarka:

Weerarka Kooxda Man United ayaa ahaa mid aad u Halis badan iyaga oo kubada ay helaan si fiican u gaynayay goolka Arsenal iyaga oo 3-dii gool ka dhaliyay 3-dii fursadood ee ugu waaweynaa ee ay heleen halka Weerarka Arsenal ay si weyn ugu fashilmeen in ay ka midho dhaliyaan fursadihii ay heleen iyaga oo aan goolal ka dhalin kubado cajiib ah oo ay kubadooodu inta badan ku dhimanaysay dilinta ganaaxa United dhexdeeda ama agteeda.

4.Goolhayayaasha:

Goolhayaha Man United ee Sergio Romero ayaa muujiyay tayadiisa isaga oo shabaqa kooxdiisa ka badbaadiyay ugu yaraan 3 ama 4 fursadood oo aynu odhan karno waxa ay ahaayeen gool halka Goolhayaha Arsenal ee Petr Cech uuna samayn badbaadin la odhan karo way fiicnayd.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here