WARBIXIN: 14-Kii Saxiix Ee Ugu Qaalisanaa Ee La Sameeyay Sanadkii 2018 Oo La Soo Saaray

0

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday sanadka 2018 iyada oo maanta oo Salaasa ah si Rasmi ah loo galay sanadka cusub ee 2019.

Waxa sanadkii 2018 dhacay saxiixyo kala duwan kuwaas oo dhacay suuqii January iyo suuqii xagaaga kuwaas oo ay ku jiraan saxiixyo waaweyn.

Wargayska Mundo Deportivo aya shaaca ka qaaday 15-kii saxiix ee ugu qaalisanaa labadiis suuq ee sanadkii 2018 ee la soo dhaafay.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo gudbin doonaa 15-ka saxiix ee ugu qaalisanaa suuqyadii sanadka 2018.

1.Kylain Mbapp (135 milyan) Da,yarka reer France ayaa ku biiray kooxda PSG isaga oo kaga biiray kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Monaco waana xiddiga ugu qaalisan sanadkii 2018.

2.Philippe Coutinho (130 milyan) Xiddiga reer Brazil ayaa suuqii January ee bilowgii sanadka 2018 ugu biiray kooxda Barcelona lacag dhan 130 milyan.

3.Cristiano Ronaldo (112) Xiddiga reer Portugal ayaa si lama filaan ah uga tagay Real Madrid isaga oo ku biiray kooxda Juventus sidaasna ku noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda Juve.

4.Kepa Arrizabalaga (80 Milyan) Goolhayahan reer Spain ayaa kooxda Atletico Bilbao kaga biiray Kooxda chelsea isaga oo ah goolhayaha ugu qaalisan suuqa kala iibsiga sanadka 2018.

5.Virgil Van Dijk (75 milyan) Daafaca reer Holland ayaa dhankiisa noqday daafacii ugu qaalisanaa suuqa sanadka 2018 kadib markii uu 75 milyan ugu soo biiray Liverpool.

6.Thomas Lemar (70 milyan) Xiddiga reer France ayaa kooxda Monaco kaga biiray Atletico Madrid kadib koobkii adduunka Russia 2018.

7.Alisson: (66.8) Liverpool ayaa baanka u jabisay goolhayaha reer Brazil iyaga oo suuqii xagaaga kala soo wareegay kooxda Roma

8.Riyad Mahrez (60 milyan) Xiddiga reer Algeria ayaa noqday xiddig Man City ah kadib muddo dheer oo ay daba socotay waxana uu ugu dambayn ugu biiray 60 milyan oo euro.

9.Diago Costa (60 milyan) Xiddiga reer Spain ayaa dhankiisa ka tagay chelsea kuna laabtay kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

10.Aymeric Laporte (57 milyan) Xiddiga reer France ayaa kooxda Man City kaga biiray kooxda Atletico Bilbao intii lagu jiray suuqii xagaaga.

11:Jorginho (57 milyan) Chelsea ayaa Xiddiga reer Italy gacanta ku soo dhigtay kuna garaacday man City iyaga oo kala soo wareegay Napoli.

12:Pierre-Emerick Aubameyang (56 Milyan) Xiddiga reer Gabon ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda Arsenal markii uu kaga soo biiray Dortmund.

13.Naby Keita (52 milyan) Liverpool ayaa sanadkii 2018 suuqa galisay lacag badan waxana uu Keita ka mid ahaa xiddigaha ay baanka u jabisay suuqyadii sanadka 2018.

14:Fred (52 Milyan) Man United ayaa dhankeeda xiddiga reer Brazil baanka u jabisay kana soo iibsatay kooxda Shakhtar Donetsk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here