WARAYSI: In Isaga & Aabihii Watiyo Badan Lagu Been Abuuro, Xanuunka Murugadii Uu Xulka Argentina Ku Soo Maray Iyo Lionel Messi Oo Qodoboo Xaasaasi Ah Ka Hadlay.

Kabtanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa bixiyay waraysi aad u dheer oo dhinacyo badan taabanayay iyada oo su’aalo badan lagu waydiiyay. Lionel Messi ayaa ka sheekeeyay murugadii uu ku soo qaatay kadib fashilkii xulkiisa Argentina ee min finalkii koobkii aduunka ee 2014 kii ilaa Russsia 2018.

Messi ayaa sheegay in uu aad uga cadhoodo marar badan oo uu sheegay in laga been abuurto wuxuuna qiray in qoyskiisa iyo xataa asxaabtiisu ay dhibaato ugu jiraan been abuurka isaga laga sameeyo wuxuuna Messi ka hadlay arimo badan.

Halkan ayaanu idiinku soo qodobaynay arimihii xulkiisa iyo xaaladihii la soo maray iyo waliba waxyaabihii uu cadhada ka muujiyay ee uu xusay in looga been abuurtay halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Guuldaradii Finalkii Koobka Aduunka Ee 2014 kii: “Miyaad ogtihiin tirada inta jeer ee aan dib u daawaday finalkii iyo fursadii aanu haysanay? wax aad uga duwan ayay ahaan lahayd haddii aanu rekoodhaha iyaga ka dhalin lahayn”.

Dhibaatadii koobkii aduunka ee 2018 Kii: “Waxaa jiray waxyaabo badan oo bilawgii qaldamay oo ahaa in aanaan awoodin in aanu guulaysano kulankii bilawga iyo lumintii rekoodhaha. Kulankii labaad xataa muu fiicnayn, laakiin kadib goolkii kowaad wax walba way qaldameen, waanu kala daad sanayn”.

Dhibaatooyinkii soo maray kadib koobkii aduunka: “Kadib koobkii aduunka maan doonayn in aan hadlo. Waxaan doonayay in aan qufulnaado oo aan naftayda u dhibtoodo, oo aan qoyskayga la dhibtoodo, in aan dhamaanteed ka baxsanaado. In aan ka maqnaado kooxda qaranka oo aan waxyaabaha ku eego iftiinka qabow ee maalintii. Muddo toban sanadood ah ayaa si xun la noogula soo dhaqmayay wixii aanu soo gaadhnay”.

Dhaawicii dhawaa ee Lagu Eedeeyay In Uu Xulkiisa Kaga Maqnaaday: “Waxaa jiray been badan oo la sameeyay. Aniga way iga cadhaysiisaa in dadku ay rumaystaan waxa la sheego. Iyagu waxyaabo ay ikhtiraaceen oo aanan ahayn ayay aniga iga sameeyeen. Xaqiiqdu waxay tahay in ay dhibaato i soo haysatay ilaa ka hor fasixii December isla markaana wax yar ayaan tababaranayay aniga oo aan kulamada oo dhan ciyaarin”.

Been Abuurka Aabihii Looga Sameeyay In Uu Saamayn Ku Leeyahay Xidhiidhka kubbada cagta dalkiisa Argentina ee AFA: ” Aad ayay iiga cadhaysiisaa  bilaa micnaha ay ka sheegaan aabahay ee in uu go’aan ku leeyahay kooxda qaranka, waxay sheegeen in uu leeyahay awood uu wax kaga qabto AFA. Qoysku way dhibtoodeen, asxaabtayda, walaaladay ayaa u soo dhibtooday beenta ay iyagu sheegeen isla markaana dadu way iibsadaan kadib markaa waxaan noqdaa wiil Ayadi dhashay!”.

In Goolkiisii Cajiibka Ahaa Ee Getefe ay jamaahiirta kooxdiisa Barcelona ugu codeeyeen goolkii taariikhda Barcelona ugu fiicnaa: “Anigu kaas umaan doorteen. Waxaan ku tagi lahaa midkii afar dhamaadkii Champions league ee ka dhanka ahaa Real Madrid ee Bernabeu ama madixii ka dhanka ahaa Man United”.

Waqtiga Uu Ciyaaraha Ka Fadhiisan Doono: “Waxaan doonayaa in aan sii dheereeyo shaqo ka fadhiisigayga inta ugu dheer ee aan awoodo. Waxaan jeclaan lahaa in aan waayahayga ciyaareed ku soo gaba gabeeyo Newell (kooxdiisii caruurnimo) laakiin wax sahlan ma aha. Daacad ahaantii anigu ma ogi”.

Horumarka kooxda xulka qarankiisa Argentina: ” Xaqiiqo ahaantii shaqo badan ayaa loo baahan yahay in aad awood sare noqoto. Carruurtani dhawr kulan oo kooxda xulka qaranka ay ayay ciyaareen. Waxaanu u baahanahay in aanu samir yeelano isla amrkaana wax shaki ah kama qabo in aanu doonayno in aanu xoganaano”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here